Hargeysa: Maalinta Carruurta Afrika Oo Laga Xusay Caasimadda Iyo Weedhihii Laga Yidhi Xarunta Agoomaha Ee Mustaqbal

(SM-Hargeysa) – Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Dr Xoog), ayaa maanta ka qayb-galay Munaasibad lagu xusayey maalinta Carruurta Afrika oo qaarada Afrika sanad kasta laga xuso 16-ka bisha June.

Munaasibada Carruurta Afrika oo lagu qabtay xarunta agoomaha degmada Maxamed Mooge ee Mustaqbal, ayaa waxa ka qayb-galay masuuliyiin kale oo ka socday shirkaddaha isgaashiinta ee SOMTEL iyo TELESOM iyo weliba madaxa xaruntaasi lagu hayo carruurta agoomaha ah.

Marwo Luul Xasan Mataan oo ah hooyada maamusha xarunta agoomaha ee Mustaqbal ee degmada Maxamed Mooge, oo halkaasi ka hadashay ayaa ka sheekaysay taariikhda maalinta carruurta Afrika iyo sababta keentay in maalintan loo asteeyay, waxayna xustay in loogu tallo-galay in maalinta la xasuusto carruurta Afrika kuwooda dhibaataysan si wax loogu qabto.

Marwo Luul, waxa kale oo ay ka sheekeysay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xarunta agoomaha ee Mustaqbal oo ay hadda ku jiraan boqol iyo dhowr carruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay qaarkood aad u yaryar yihiin, waxayna sheegtay inay jiraan duruufo ku xeeran dhalaanka halkaasi ku jira, iyadda oo dadkii ka qayb-galay iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ka codsatay inay gacan ka geystaan sidii loo dabooli lahaa baahida carruurtaasi.

Luul, waxay xustay inay soo dhowdahay bishii Barakaysnayd ee Rammadaan, sidaa daraadeedna loo baahan in wixii sadaqo ah ee la bixinayo lala ogaado carruurtan si baahidooda loo daboolo bishaasi “Waxaanu idinka codsanaynaa inaad mashruucaa khayriga wax ka geysataan (Taakuleynta carruurta agoomaha ah ee lagu hayo xaafadda Maxamed Mooge ee Mustaqbal), anagu lacag kama doonaynaa cid kastana way u furan tahay oo waanu ku soo dhaweynaynaa inay ka qayb-qaadato Mashruucaasi khayriga ah, aayamihii khayrka ayaa soo galaya oo waa Rammadaantii, Carruurtana waa kuwii ay ku baxaysay (Sadaqadu)”ayay tidhi Marwo Luul Xasan Mataan.

Madaxa xafiiska Somaliland ee hay’adda WHO Marwo Aasiya Cismaan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa amaantay dedaalka Marwo Luul Xasan Mataan u gashay carruurta agoomaha ah ee xaruntaasi ku jira, waxayna balan-qaaday in wixii awoodeeda ah aanay waxba ka hagran doonin  “Aniga oo ku hadlaya Magaceyga iyo magaca hay’adda WHO waxaan isku dayayaa wax alaale iyo wixii taag ama tamar ah ee aan tari karo inaan carruurtaasi ku caawiyo”ayuu tidhi Madaxa WHO ee Somaliland.

Xafladdan oo ka hadleen masuuliyiin ka socday TELESOM iyo Dahabshiil Group, ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Xoog.

sidoo kale, koox kubadda cagta ah oo ay xaruntaasi leedahay ayaa waxay galabta ciyaarayaan ciyaar lagu weynaynayo xuska Maalinta Afrika.

Sidoo kale, xus kan la mid ah ayaa maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay wasiirro badan oo ka mid ah xukuumadda Somaliland.

 

 

 

Salaanmedia/Hargaysa/Office.