Hargeysa: Ururka Samafalka Waddaniga Ah Ee ALMIS Oo 10 Koombuutar Ugu Deeqay Jaamacadda Gollis + Sawirro

(SM-Hargeysa) – Ururka samafalka Waddaniga Ah ee Almis Welfare Assocaiton ayaa maanta deeq ka kooban computerada nooca desktops-ka loo yaqaano ku wareejisey jaamacadda Gollis.

Deeqdan oo uu ururka soo gaadhsiiyey C/casiis Cali Ahmed oo ka tirsan qurbo jooga reer somaliland ee ku dhaqan dalka Sucuudiga, islamarkaana ah barre sare oo jaamacadeed oo ka howl gala dalkaasi.

Munaasibadii wareeejinta deeqda waxa hadal kooban ka jeediyey xidhiidhiyaha barnaamijyada ee Almis Mr. Axmed Cismaan Caalin, waxaanu sheegay inuu faraxsan yahay in deeqdani soo gaadho jaamacada Gollis, maadaama oo jaamacaddu tahay jaamacadaha dalka ee muddooyinki u danbeeyey horumarka balaadhan ku talaabsaday, islarmakaana xidhiidh la leh ururka Almis oo ay Jaamacadda ugu jiraan 14 arday oo uu ururku fiiga ka bixiyo.

Gudoomiyaha ALMIS-Hargeysa Mr Xuseen Maxamed Xoore oo isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in deeqdani wax weyn ka tari doonto kulliyada ICT-ga iyo dhamaan habsami u socodka hanaanka shaqo ee jaamacada, isagoo xusey inuu ku faraxsan yahay in jaamacaddii uu ka qalinjabiyey uu guddoonsiiyo deeqdan, deeqdana ay tahay mid ay jaamacadda Gollis iyo jaamacadda Hargeisa nasiib u heleen, waxaanu sheegay in aaney noqon doonin kaalmadii u danbaysay ee ay jaamacadda soo gaadhsiiyaan, balse uu sii socon doono xidhiidhka iyo iskaashiga laba dhinacba.

Nimcaan Cabdi Cali oo ah hormoodka kulliyada IT-ga ee jaamacada Gollis oo isagu deeqdan Jaamacadda u guddoomay ayaa si weyn ugu mahadnaqey ururka ALMIS ee deeqdan gaadhsiiyey, isagoo ka sheekeeyey xidhiidhka wada shaqeyneed ee jaamacadda iyo ururka oo uu ku tilmaamey mid xawli ku socda, waxaanu sheegay in C/casiis Cali Axmed laftiisa aaney aheyn markii ugu horeysey ee uu jaamacadda qalab ugu deeqo, balse ay jirtey wakhtiyo hore oo uu jaamacadda soo gaadhsiiyey qalabka shaybaadhka ee ardayda kuliyadda caafimaadku wax ku bartaan, taasina  ay muujineyso sida muwaadinkaasi uu markasta ugu howlan yahay horumarinta jaamacadda.

Ugu danbeyntiina Gudoomiyaha Almis ayaa si kal iyo laab ah ugu wareejiyey Masuulkaasi ka socday jaamacadda Gollis qalabkii deeqda ahaa oo ka koobnaa 10 koombuutar oo nooca Desktop.

Salaanmedia/Hargaysa