Hassan Rohani Oo Ku Gulaystay Doorashadii Madaxtinimo Ee Wadanka Iran

image

16 june Doorashooyinka Madaxtinmada Wadanka Iran Ayaa lagu Dhawaqay inuu cod aqlabiyay ad ku guulaystay Moyorkii hore ee casimada Tehran Hassan Rohani kasoo noqonaya madaxwaynii kow iyo tobnad ee Si Xor Ah Loo soo doorto intii u jiray kacaanka Islamiga ah.

Hassan Rohani ayaa ku guulaystay codad dhan 18,613,329 , oo u dhiginta 50.7% Boqolkiiba halka ninka isaga kusoo xigay ee sida wayn ula loolamayay Mohammad-Baqer Qalibaf uu galay kaalinta labaad isagoo helay codad dhan 6,077,292 kaalinta sadexadna waxa soo galay madaxii hore ee Wadahadalada Barnamijka Nuclear Ka Iran Saeed Jalili kasoo helay codad gaadhaya 4,168,946 Halka kaalinta afradna uu galay Musharaxa madaxa banana ee Mohsen Rezaei Kasoo helay codad gaadhaya 3,884,412.

In ku dhow 1.6 million ayaa sanadkan usoo baxay inay codkooda dhiibtan kuwaso Ahaa tiradii ugu badnay ee abid usoo baxda Doorasho Madaxtinimada Iran Kadib Markii uu ku guulaystay Natiijad doorashada madaxtinimada Dalka Iran Hasan Rohani ayuu tageerayashii uga mahad celiyay sida wayn ee ay igu Soo Baxeen doorashadasi isagoo sidoo kale u mahad celiyay tageeradii Muga Lahayd ee uu u muujiyay hogaamiyaha kacanka Iran .