Hawd Iyo Daad-madheedh Oo u Soo Baxay Simifinalka Ciyaaraha Goboladda

image

Hargeysa (SM)-Xulalka Gobolada Hawd iyo Daad Madheedh ayaa u soo baxay Wareega afarta Kooxood ee Isugu Soo hadhay Tartanka Gobolada Somaliland kadib markii ay u Awood Sheegteen Xulalka Gobolada Badhan, iyo Salal.
Ciyaarta Hore ayaa dhex martay Xulalka Gobolada Hawd iyo Badhan,labada Xul ayaa soo bandhigay qaab Ciyaareed Hufan oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis.

Xulka Gobolka Hawd ayaa la Yimid Goolkii u horeeyay Isla markaana noqday Kii ay Guushu ku raacday Sidaasna uu Xulka Gobolka Hawd ugu soo Gudbay Wareega Afarta Xul.

Ciyaartii labaad ayaa dhex martay Xulalka Daad Madheedh iyo Salal Ciyaartan oo ahayd mid adag ayaa Xulka Gobolka Salal ay ku hor mareen goolkii 1aad hasa yeeshee daqiiqado kadib ayaa Xulka Gobolka daad Madheedh Waxaa u Suuro gashay inay la yimaadaan Goolkii barbar dhaca ahaa.

Kadib markii la isugu soo laabtay Qaybtii labaad ee Ciyaarta ee Labada Xulba la soo tashadeen Tababarayaashooda ayaanay u suurogalin inay la yimaadaan Wax goolal ah.

Sida Sharciga Ciyaaruhu dhigayo waxaa labada Xul loo dhigay Rikoodhayaal ama laad ku laad toos ah waxaanay Guushu ku raacday 5 Gool iyo 4 Xulka Gobolka Daad Madheedh.