Heesta ciyaaraha

1 / 6 / 2013

Heesta  ciyaaraha

MOHOLIN

—–   ——-    ——    ——-

Dhyalintoo  is  bara tiyo

Dhexgalkii  dad  weynaha

Dheeshiyo  ciyaaruhu

Waa  dhaqan  adduun yadu

Dhammaan  ay  ka  siman  too

Ka  dhexeeya  wee  yaan

.

Tartan  weeye  dhinac yadu

Dhugtan  ugu  baxaanoo

Inay  guusha  dhali yaan

Ay  ka wada  dhab  tahayoo

Ugu  dhidida  yaane

.

Marna  waa  dhanbaal  ay

Isudhiiba  yaanoo

Dhiirani  afgara  shiyo

Wanaag  ugu  dhowaadaan

.

Marna  waa  dhaqaaliyo

Shaqo  lagu  dhergaa  yoo

Dhibta  aad  la  kulan tiyo

Dhabba  yaasha  geerida

Dhoof  kaa  bariisee

.

Marna  dhababa cayntiyo

Xubna haagan kala  dhigan

Caafimaad  dhamays  tiran

Waa ta  aad  ka  dhaxashee

Dhayal  hawga  noqonina

 

Maxamuud  Cismaan  ( moholin )