Hub Dalka Masar Ugu Deeqday Dowladda Somaliya Oo Kismaayo Lagu Arkay

Hub Dalka Masar Ugu Deeqday Dowladda Somaliya Oo Kismaayo Lagu Arkay

June 11,2013 Kismaayo(SM) Dagaalkii ka dhacay todobaadkii hore magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyey in ay qayb libaax ka qaadatey Dowladda ederaalka ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho, eedayntaas ayaa ka timid maamul goboleedka Jubaland iyo welib maamulo kale oo ka jira dalka Soomaaliya, Dowladda ayaan eedayntaas si rasmi ah uga jawaabin.

Dagaalka ka dhacay Kismaayo ayaa dhexmarey malayshiyaad uu hoggaaminaayo Nin ka tirsanaa ciidanka Dowladda isla markaana sheeganayey in uu yahay Madaxweyne is magacaabey kaas oo lagu magacaabo Iftiin Xasan Baasto iyo ciidamada maamulka Jubaland. Maamulka Jubaland ayaa sheegay in dagaalka ay ka qaybqaateen malayshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab kuwaas oo ka faa’ideysanaya khilaafka Dowladda iyo maamulka Jubaland, waxaana Jubaland sheegtay in Dowladdu u fududeysey in Shabaabku magaalada soo galaan.

Dagaalka kadib waxaa maamulka Jubaland sheegeen in ay gacanta ku dhigeen hub cusub oo u badan qoryaha AK47 nooca lagu sameeyo dalka Masar ee loo yaqaan Maadi, kaas oo ay wateen qaar ka mid ah malayshiyaadkii la dagaalmey ciidanka Jubaland, maamulka Jubaland oo aan weli si toos ah uga hadlin ayaa warbaahinta qaarkeed si hoose ugu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan hubkan inta uu tiro le’eg yahay, waxayse caddeeyeen in uu qayb ka yahay hub dhawaan Dowladda Masar ugu deeqdey Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Fiqi ayaa maamulka Jubaland tilmaameen in uu Injineer ka ahaa dagaalkii Kismaayo, hawsha keliya ee uu halkaas u yimidna ay ahayd isku dubaridka malayshiyaadkii dagaalka qaadey, Afhayeenka Jubaland Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in ay dhankooda dulqaad muujiyeen isla markaana ka hortageen in ay awood wax ku muquuniyaan, laakiin Fiqi markii uu arkey biseylka aan gaarney iyo in aanan dooneyn in dagaal aan galno, ayuu qaatey talaabo axmaqnimo iyo jar iskatuur ash waxaana uu la soo baxay qorshihiisi u danbeeyey kaas oo aan isagana fashiliney ayuu yiri Seeraar. Dagaalka ayaa ka bilowdey kadib markii Wasiirku gaashaandhigu uu la kulmi lahaa Iftiin Xassan Baasto taas oo laga horjoogsadey, Cabdixakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in uu Kismaayo u joogay qaramaynta ciidamo Malayshiyaad ah oo halkaas ku sugnaa, gelinkii danbe ee shalay (Isniin) ayuu dib ugu noqdey magaalada Muqdisho, isaga oo ay la socdaan qaar ku dhaawacmey dagaalkii Kismaayo.

Hubka dalka Masar ugu deeqday ee lagu arkey dagaalkii Kismaayo ayaa haddii la caddeeyo lana soo bandhigo noqonaya mid fadeexad ku ah Dowlada Federaalka, sidoo kale tilmaamaya in qaaditaanka xayiraadda hubka ee Soomaaliya saarneyd si qaldan looga faa’ideystey oo dagaallo cusub dalka looga huriyey.

Dagaal Wakaalasho ah “Proxy War”

Biyo xireenka dalka Itoobiya samaysey isla markaana sheegtey in Webiga Niil ee dalkaas ka bilowda loo leexinayo ayaa xiisad dagaal afka ah ka dhex bilaabey Masar iyo Itoobiya, dhawaan ayaa dalka Masar saraakiil Mileteri u soo direen Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay Dowladda ciidankeeda caawinayaan, Masar ayaa dooneysa in ay hesho qaab ay kula gor-gortami karto dalka Itoobiya oo aysan xuduud lahayn laakiin uu ka dhexeeyo Webiga Niilka biyihiisa kaas oo dalka Masar noloshiisu ku tiirsan tahay, Waxaana dadka arrimahan ka faalooda sheegayaan in Masar dooneyso in ay Dowladda Soomaaliya oo ay hadda hoggaamiyaan ururo salka ku haya Ikhwaanu Muslimiinka ugu adeegsan alahaayeen dalka Itoobiya. Siyaasadda webiga Niilka ee u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya ayaa ahayd mid markasta Soomaaliya iyo jamhadaha ku kacsan Itoobiya ay Masar isticmaaleysey 30 sano ee u danbeeyey.

Biyo xireenka loogu magacdarey Millennium Dam ayaa ku kacay aduun dhan 4 bilyan oo dollarka maraykanka ah, Waa Biyoxreenkii ugu weynaa ee Afrika laga hirgeliyo, waxaana Itoobiya sheegtey in ay u adeegsan doonto awooda tamarta Korotntada isla markaana ay ka faa’ideysan doonaan beeraleyda dalkaas, Itoobiya waxay ballan qaadey in biyo xireenkaas aanu waxba u dhimi doonin dalalka Webiga Niilku maro.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi ayaa digniin dhan walba ah u direy Itoobiya inkasta oo aanu afka ku dhufan in ay dagaal ku qaadayaan Itoobiya.

Salaanmedia/Mogdisho