Iskuulka moonlight oo sanad dugsiyeed kiisii 3 xaad ku soo xidhay.
Xaflada soo xidhitaanka iskuulka moonlight oo ka dhacday hotelka Shiraacle .
Ayaa waxaa ka soo qayb galay wasaarada wadbarashada Somaliland iyo masuuliyiin katirsan xisbiyada muradka ah iyo xildhibaano, waalidiin iyo marti sharafkale.
Calimaxamed waran cade ayaa halkaa waalidiintii iyo macalimiintiiba uga soo jeediyay hanbalyo iyo in ubadka lagu dadaalo, oo war barashadu tahay wax bulsho lagu horumariyo.
Dhanka kale macalimiinta iyo maamulka iskuulka ayaa ubalan qaaday in ay wax barasho tayo leh markasta ubadka ku barbaarin doonaa, maadaama ubadku yahay mustaqbalkii barito.
Iskuulkan moonlight oo ku yaala xaafada new HARGAYSA ayaa xaafada iyo magaaladaba ku soo kordhiyay wax barasho tayo sare leh, oo ilmahayar ku hagaysa wadooyinka horumarka iyo warbarashada.