Kulankii dhibanayaasha XAWAALADII QARAN EXPRESS oo London ka dhacay..DAAWO Warbixin iyo Video

Kulan aad u balaadhan oo Maalintii Shalay oo ku beegnayd 2.6.13 ayaa ka dhacay galbeedka magaalada London,Kulanka oo ay soo abaabuleen Gudida Dhibanayaasha Xawaaladii Qaran Express oo ay kasoo qaybgaleen dad aad u fara badan oo kasoo kala kicitimay daafaha dalka Ingiriiska,dadka kasoo qaybgalay kulanka oo ah dadkii dhaqaalaha ku darsaday ama lacagtu ugu jirtay xawaaladii Qaran Express.

IMG_6017

Kulanka oo ugu Horeyn lagu furay Aayado Quraana waxa ugu horeyn warbixin kooban oo ku saabsan ujeedada kulanka hadalo kasoo jeediyey Gudoomiyaha gudidda dhibanayaasha Xawaladii Qaran Express Mudane Aadan Maxamed Cabdi oo ugu horeyn aad ugu mahad-naqay sida aad uga soo qaybgasheen waxanu hadalkisii ku bilaabay” Shirkan waxa aanu u qabanay uguna yeedhnay saxaafadda oo dhan in aanu ku cadeyno in shirkadii Qaran Express  ay dadka halkan jooga iyo dad kale oo fara badan ay lacagtoodii qaran express si khladan u haysato ,waxaanuna aaminsanahay in lacagtii qaran aanay lumin lakiin la lunsaday oo hadii lacagta la waayo waanu ka samri lahayn lakiin waxa xaqiiqo ah in lacagtaa la lunsaday oo si badheedha loo haysto.

IMG_5952
Waxaanuna go’aansanay in lacagtii sifo kasta loo maro sidii lagu soo dhacsan lahaa lacagtaa naga maqan,Waxa lacagta ay ka maqan tahay dad kala du-duwan oo ay ka mid yihiin dad masaakiin ah,reero aan waxba haysan iyo lacago meelo lagu cibaadeysto lagu dhisi lahaa oo si khaldan loo qaatay.
Ugu Danbeyntii Gudoomiye Aadan waxa uu fariintiisa kusoo kooban isaga oo ay wajigiisa ma muuqato cadho..DADKU WAXAY IDIN LEEYIHIIN ILLAAHAY KA CABSADA OO XOOLAHAYAGII NOSOO CELIYA.”
Dr Cabdi Xuseen Bare Afhayeenka gudidda dhibanayaasha xawaladii qaran Express ayaa isna hadalo aad u dheer kulanka kasoo jeediyey uu fariin ugu diyaaro dadkii lacagta lunsaday xawaladii Qaran Express isaga oo ugu horeyn sheegay dhibaatada ay keentay shacabka dhexdiisa iyo dhaqaalo xumada ay ku abuurtay dadka Soomaalida ah,waxa uuna sheegay in UK ay ugu badan tahay dadkii lacagta ku lahaa xawaaladii Qaran express.

IMG_5949

Waxa kale oo uu carabaabay sida ay dhibaato ugu keeni karta ganacsiga Soomaalida hadii arinkaa si deg-dega aan wax looga qaban.Dadka ayaanu u tudhaynaa in aanu sharci la tiigsano waxaanu idinka codsanynaa in aad dadkii aad lacagta ka dhacdeen usoo celisaan,
Dhibaatada ay keentay ayuu Dr Cabd ku sheegay in ay ka mid tahay in dad Soomaali ahi ay markii lacagtii laga dhacay ay dad WASHEEN, qaarna ay dukaano dad haysteen oo wakiilo ahaa dhibaato ku keentay iyo hab Qabiil oo ay keentay ,tasoo uu ku micneeyey dhibaatada ay keeni karto.

IMG_5989
Waxa kale oo uu mahadnaq usoo jeediyey saxaafada Soomaalida oo uu seegay in ay arinka qayb ka qateen, ugu danbeyntiina waxa uu fariin u direy dadkii lacagta lunsadey inay si deg-deg ah lacagtii usoo celiyaan.
Shaaqo Cabdi Warsama oo ah gabadh ma mid ah gudida Dhibanayaasha Xawaaladii Qaran ayaa iyana fariin la mid ah tasoo kale ah usoo jeedisay dadkii dhacay lacagtii xawaaladda oo ay tahay in ay si aanay dhibaato ugu dhicin dadka Soomaalida ah hadii ay dacwad ku furaan ay arinkaa ka hortagaan oo lacagtii dadkii lahaa usoo celiyaan,Waxay sheegtay in ay keeni karto in ay sameyn ku yeelato xawaaladdaha kale hadii ay dacwad ku furaan oo taasina ay cawaaqib xumo ku keento dadka Soomaalida ah ee lacagaha dira.

IMG_6038
Xasan Dhinbiil Aadan,Waxa uu ka mid yahay gudida dhibanayaasha Xawaaladii Qaranexpress ay u xilsareen in ay hawshaa lacagahaa maqan ay soo dhiciyaan sifo kasta,waxa uuna Mudane Xasan ugu horeyntii sheegay in ay tahay kulankani fariin ku socota maamulkii lacagta lunsaday waxaanu sheegay in arinkani uu mudo socday sikastana la isugu dayey in xal looga  gaadho weyna socon weyday,waxaanan iminka isku dayeynaa in aanu fariintan saxaafadda u marino,waxa uuna rajo ka muujiyey in lacagta si kastaba ha noqotee la heli doono ama aakhiro ama ifkaba.

IMG_6024
Sharci ayaa la marayaa inaa inta lacagta ha helaayana ma hadhayno,waxaanu ka sheekeeyey qiso ku dhacday reer lacag ku darsaday oo Soomaaliya u guuray markii lacagtoodii la waayey ay dhibaato ku timi,ALLAH KA CABDI HADII AY KU BIXIN WAYEEN,SHARCI AYEY KU BIXINAYAAN, Waxaanu kusoo gaba-gabeeyey hadii nala siin waayo ka hadhi mayno.
Cabdifaysal Axmed Nuur  oo isna ka mid ah gudida ayaa sidasoo kale hadal cadho ah oo ay wajigiisa cadho ku muuqata yidhi” Waxa aanu u diraynaa BAAQ digniin ah dadkii lacagta naga dhacay oo aanu aaminay lacagtayadiina ku aaminay,Waxa uuna sheegay in dad aad u jilicsan ay lacagtan lahaayeen oo wax ay haystaan jirin , lacago masaajido lagu dhisi lahaa iyo mid tabarucaad ahba,

IMG_5992

Waxaanu kaloo sheegay in aad xoolihii haysataan oo anaan idinka yeelay ayna tahay khalad badheedh ah oo aad kula kacdeen dadka Soomaalida ah ee idin aaminay,dhibaato weyna aad gaadhsiiseen dad aad u fara badan ,Waxaanu ugu danbeyn hadalkiisa kusoo xidhay,Lacagtayadii nosoo celiya sida ugu dhakhsaha badan.

IMG_6016
Waxa ugu danbeystii markii gudidii loo xilsaaray ay hadaladaa soo jeediyey iyana kulanka ka hadlay dad fara badan oo dhamaantood aad ugu mahadcelyey kulankan sida losoo abaabulay in inay tageero mid walba idinla garab istagaan sidii dhaqalahaa losoo celin lahaa iyagoo goobtiina lacag ku bixiyey kuna muujiyey inay midkalena diyaar u yihiin inay ku bixiyaan si lacagtoodii ay u helaan.
Waxaanu kusoo gaba-gaboobay in arinka lasii wado waxayna ugu danbeystii yesheen kulan gaar ah oo saxaafadu ay debada ka joogto oo gooni u ah gudidda iyo dhibanayaasha.

Xamse Axmed Salaan
London
Salaanmedia.com
hamse100@gmail.com

 

IMG_5953 IMG_5954 IMG_5955 IMG_5957 IMG_5960 IMG_5970 IMG_5972 IMG_5973 IMG_5976 IMG_5979  IMG_5990  IMG_6003 IMG_6005   IMG_6018 IMG_6019  IMG_6032  IMG_6040 IMG_6042 IMG_6043 IMG_6044

Xamse Axmed Salaan

London

hamse100@gmail.com