Labadii Qabiil Isku Raacdaa, Ardaaga Ayay Ku kala Hadhaan.

Labadii Qabiil Isku Raacdaa, Ardaaga Ayay Ku kala Hadhaan.

88cc9d1b5b2565b9ef4856fa522b0a33_M

Xiligii waddanka la soo galey 1991 iyo sanadihii ka danbeeyey waxa dalka joogey jabhado xarumo ka sameystey xeryihii milatariga iyo koontarooladii oo ama cashuur ku qaadi jirey amaba goobahaa degenaa. Jabhadahaasi in kasta oo ay ahaayeen ciidan beeled, haddana waxa ay lahaayeen magacyo ay wateen intii dagaalkuba socday . Masalan magaalada Hargeisa kuwa degenaa waxa ka mid ahaa sancaani, Koodbuur, Afraad iyo tiro kale oo oo jabhado aheyd oo magacyo kale lahaa. Iyadoo la ogyahay iney yihiin ciidan beeledyo, ayaa haddana haddii ad ku tilmaamto qabiilkooda ay ka xanaaqi jireen iyaga oo ku doodaya iney mujaahidiin yihiin. Magacyadaa ayay dadweynuhuna u yaqaaneen oo marna looguma yeedhi jirin magac qabiil. Xiligaa an ka hadlayaa waa wakhti ay dawladda jirtey aheyd magac oo keliya balse aaney laheyn awood iyo ciidan amniga suga. XILIGAA AN KA HADLAYO EE JABHADDII CIIDAN BEELEDKA HEYD DIIDEY IN QABIIL LAGU TILMAANSADAA WAA 1991.

Intii u dhexeysey 1991 illaa 1994 kii, beelaha qaarkood ayaa shirar hoosaad qabsan jirey oo ay ku falanqeyn jireen arrimaha siyassadda iyo doorka beelahooda ka qaataan. Dhalinyartii mutacalimiinta aheyd ee xiligaa joogtey  wey ka meermeeri jireen in lagu arko iney oo shirarka ka qeyb galaya iyagoo ka khajilsan in asxaabtoodu kale ogaato iney shir beeleed ka qeyb galeen oo markaa loo arkayey ceeb weyn inu qof mutacalim ihi ama dhalinyaro reer magaal ihi shir beeleed fadhiisto. Xattaa marka ay dhacdo iney dhalinyarta iyo mutacalimiintu ka qeyb gasho, marna kamey muuqan jirin qabanqaabada shir beeleedka. Shirarka noocaas ah waxa qabanqaabin jirey odayaal, cuqaal iyo dadka nooca jaafaajuglaha iyo af ku xooglaha ah ee aan waxan ka khajileyn. XILLIGAA AN KA HADLAYO EE DHALIN YARTA IYO MUTACALIMIINTU KA KHAJILEYSEY IN LAGU TILMAAMO BEELO WAXA MAANTA KA SOO WAREEGEY 20 SANADOOD.

Markii uu socdey shirka Boorama ayaa BBC-du wareysi la yeelatay Mohamed Ibrahim Egal (AHUN) oo markaa ahaa Musharax madaxweyene. Wareysigii waxa uu ku soo darey hadalka ahaa “ aniga waxa I soo sharaxey odayaasha beesha Subeer Awal”. Kalmaddaa uu Cigaal yidhi waxa ay ka cadheysiisey dad aad u badan gaar ahaan dhalinyartii, da’dii dhexe iyo mutacalimiintiiba waxaana ay soo jeediyeen inaanu madaxweyne noqon Karin siyaasi ku doodaya in beeli soo sharaxdey. Egal waxa uu muddoo dheer isku dayey inu sharxo sida uu hadalka uu uula jeeday oo aheyd “ aniga odayaasha beesha Subeer Awal ayaa I soo sharxey oo ii soo bandhigeen odayaashii beelaha kale iyaga oo ku doodaya iney ula eegtahay inaan ahey siyaasi dalka ka bixin kara marxaladda uu marayo”. TAARIIKHDA UMADDU KA DHIIDHIDEY HADAL CIRIQ QABIIL  LEH OO QUUX SIYAASI IHI KU HADLO WAA 20 SANADOOD HORTEED EE LA SOCO.

Maanta waxa ay beelnimaddii noqotey ilbaxnimo. Siyaasi dooanaya inu qaran hogaamiyo ayaa shir u qabanaya beel isaga oo doonaya in beeshu ku taageerto hadaf uu leeyahay oo siyaasi ah. Shirarkaa 22 sanadood ka hor laga khajilayey ka qeyb galkooda ee xiligaa loo arkayey wax nuqsaan ah ayaa maanta noqdey wax caadi ah oo haddii la doonana lagu faano. Balka warran ninka siyaasiga ah ee damacsan inu mansab hoggaamiye ka qabto dalka, oo intu 10 odey oo ay isku reer yihiin meel kula shirey ama qado u sameeyey ku doodaya inu yahay hogaamiyihii ku haboonaa ee dalkan hogaamin lahaa. Maxay noqon kartaa wax uu soo kordhin karo siyaasi isku sheegaasi? Ninka aragtidiisii aaney weli dhaafin ardaagiisii, muxuu yahay manaafacaadka uu u keeni karo umadda.

Waxa iyana hoos u dhac weyn ah warbaahintii dalka oo faafineysa warar qabyaaladeed, oo ah arrin aan hore dalkan uuga dhicin. TV-yadii iyo warbaahintii ayaa soo gudbinayaa warar odhanaya “Waxa shirey odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahaynkii beesha reer hebel, waxa aaney ka shireen danaha beesha” Ama odhanaya xildhibaan hebel ama wasiir hebel ayaa la shirey odayaasha reer hebel.

Waxa an Soomaaliya ka soo go’ney inaga oo is moodeyney inaan qaranimo u halgameyno. Waxa dadkii lala sii marayaa ardaa iyo xafaad. Waxa umaddii ay talo weydiineysaa ama raba inu hoggaamiyo qof aragtidiisu aaney dhaafsiisneyn ardaagooda. Dadkii iyo umadihii ay u muuqatey iney aqoonta iyo horumarka aamineen oo qabiilkii ka baxeen ayaa dib uugu noqdey oo qabiillkii miciin mooday. Hogaamiyihii ay aheyd inu jiilka soo socda u galo halkii Nelson Mandela u galey umaddiisa ayaa saqiirey oo maraya inu afar ay isku xaafadyihiin la shiro.

Arrinta qabiilku kuma koobna ciyaartoyga Togdheer oo ah sakaaraddii budhka la kulantey. Waa cudur ina qabsadey oo u baahan dagaal iyo in la sameeyo barnaamij dheer oo loogu tala galo in jiilasha soo socdaa ay ka badbaadaan. Ciyaartoyga Burco waxa ay tusaale u yihiin xaqiiqda ka jirta mujtamaceenna ee aan la dafiri Karin ee inagu soo korodhey shanti sanadood ee u danbeeyey. Ciyaartooygu waxa ay wax inaga tuseen dhincii dhalinyarada oo keliya, balse dhinacyaddii kalena sidaa iyo si ka daran ayaa la marayaa.

Xisbigii Udub ayaa baaba’ay. Intii xisbigaa ku jirtey eek a soo jeedday bariga burco iyo galbeedka Hargeisa waxa ay u dareereen dhinacaa iyo Kulmiye oo ilmaadeeradood ku badnaayeen. Intii kalena xaggaa iyo New Hargeisa ayay u kaceen oo WADANI iyo ilmaadeeradood ayay u tegeen. Hadda waa xisbi qaran oo dalka xukumayey dhowr iyo toban sanadood oo la filayey iney Golaha Ammaanka  ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa hor fadhiistaan oo ay ku qanciyaan qadiyadda dalkan ayaa beelo u saqiirey iyaga oo dhigahoodii iyo udbahoodiiba sita.

Waxa shaqada laga fadhiisiyey Nuux Sheikh oo ahaa Taliyiihii Cidanka Qaran, waxaana lagu bedeley inaadeerkii oo Jidhif ah. Jidhif ayaa hawshii loo garanwaayey oo xilkii laga qaadey, inaadeerkii oo Boobe Yusuf Ducaale ah ayaa laga dhigey Wasiir. Boobe ayaa la eryey waxa lagu bedeley inaadeerkii oo Abiib Diiriye ah. Raggan madaxda ah ee la isku bedbedley midna kartidiisa ma dhaliilayo oo laga yaabee iney xul yihiin. Balse mabda’a ayaaba qaldan oo intuba waxa ay si fiican u ogyihiin in sababta koowaad ee iyaga loo soo xuley iney tahay “hebel inaadeerkii ku bedel si aanu buuq u keenin”. Xikmad kale kuma jirto. Haddii aynaan ka hortagin, waxa dhici karta ineynu guurka qabyaaladeyno oo xaafad kastaa isku soo hoos noqoto, ama in masaajidada an qabyaalada uugu tukanno.

XAL WAA LA HELI KARAA HADDII MARKA HORE AN ISLA QIRNO IN CUDURKII QABIILKU MEEL XUN INALA MARAYO. INTASE AYNU WELI DAFIRSANNAHAY EE AN FARTA KU FIIQEYNO CIYAARTOY IYO REER BURCO, XALKU WUU ADKAANAYAA.

 

Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com