Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka Oo Dafiray Shiidaal Yaraan Laga Dareemay Magaalooyinka Dalka

Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka Oo Dafiray Shiidaal Yaraan Laga Dareemay Magaalooyinka Dalka

June 22nd, 2013 Comments Off

Berbera (SM):- Iskaashatooyinka iyo ururada gaadiidlayda dadweynaha iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland gaar ahaana caasimada Hargeysa, ayaa maalmihii u danbeeyay waxa ay cabsho xoogan ka muujiyeen shiidaal la’aan soo food saartay. Taasi oo la sheegay in laga dareemay guud ahaanba dalka.

Waxaanay sheegeen darawaaliinta gaadiidka dadweynaha sida basaska iyo tagsiyadu in xaalad shiidaal yaraan ah ay soo waajahday isla markaana laga dareemayo arrintaasi dhamaanba gobolada dalka.Sidoo kale waxa la sheegay in kaalmaha shiidaalka lagu iibiyo ee caasimada Hargeysa qaarkood laga waayay wax shiidaal ah nooca uu doono ha ahaadee.

Haddaba si aanu xog dheeraad ah uga helno isla markaana u ogaano waxa sababay in dalka laga dareemo xaalad shiidaal yaraan ah, ayaanu arrintaasi wax ka waydiinay maareeyaha haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera, Maxamuud Gahayr Ismaaciil, oo isagu indhaha ka qarsaday isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay cabashooyibka ka soo yeedhay gaadiidlayda dadweynaha.waxaanu sheegay Maxamuud Gahayr in todobaadkan gudihiisa uu dalka soo gaadhay markab siday lix kun oo tan oo shiidaal ah.

“Waxba kama jiraan cabashada gaadiidlayda ee shiidaal la’aanta ee aad sheegaysaan, doraad ayuu markab siday lix kun oo tan oo shiidaal ah oo isugu jiray afar kun oo tan oo patrool ah iyo laba kun oo naafto ahi Berbera yimid, haamaha kaydka shiidaalka ayaanan ku shubnay, markaa waa waxba ka jiraan cabashada shiidaal la’aantu” ayuu hadalkiisa ku soo koobay maareeyaha haamaha kaydka shiidaalka Berbera Maxamuud Gahayr Ismaaciil, oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan isaga oo jooga magaalada Berbera.

Inkasta oo uu Maareeyuhu dafiray shiidaal yaraantaasi hase yeeshee qiimaha baatroolka ayaa kordhay waxaana halkii litir-ba lagu kordhiyay 1500 shilin, iyadoo beryahanba halka litir ee Baatroolka ahi joogay hal dolar.

Dhinaca kale wixii ka danbeeyay tan iyo markii laga wareejiyay shirkadii Total sanadkii 2010-kii oo dalka keeni jirtay shiidaalka, waxa marar badan soo noq-noqotay cabashada ka soo yeedhaysa gaadiidlayda dadweynaha, kuwaasi oo cabashoyin kala duwan ka muujiyay shiidaal yaraan iyo sidoo kale tayada shiidaalka dalka la keeno oo ay sheegaan in aanay fiicnayn isla markaana uu cilado dhibaato ku ah ku keeno gaadiidka.

XIGASHO; WARGEYSKA DAWAN
 

TOP