Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay 491

(SM:Hargaysa)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay 491 maxbuus oo ku xidhan xabsiyadda dalka, sida uu shaaca ka qaaday Madaxa hogaanka hawlaha xabsiyada C/raxmaan Axmed Maxamuud.

 

Madaxa hogaanka hawlaha xabsiyada Somaliland C/raxmaan Axmed Maxamuud oo shalay wareysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, waxa uu sheegay in maxaabiista ay sii daayeen ay shuruudoodu waafaqsan tahay sida uu tilmaamayo xeerka cafiska madaxwaynuhu. Waxaanu yidhi yidhi “waxaanu fulinay saaka (shalay) digreetadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu cafis ugu fidiyay 491 maxbuus oo ku kala jiray 13-xabsi oo ka mid ah xabsiyada Somaliland. Xabsiga Hargeysa, Xabsiga Mandheera, Xabsiga Gabiley, Xabsiga Boorame, Xabsiga Burco, Xabsiga Berbera, Xabsiga Caynabo,Xabsiga Garadag, Xabsiga Ceel Afweyn, Xabsiga Dhahar, Xabsiga Laascaanood, Xabsiga Baligubadle, Xabsiga Ceerigaabo”.

C/raxmaan Axmed Maxamuud Madaxa hogaanka hawlaha xabsiyada Somaliland, waxa uu intaasi raaciyay “Saddex iyo toban kaa xabsi waxa laga sii daayay guud ahaan 491 maxbuus oo waafaqay shuruudaha uu cafisku tilmaamayo ama waafaqsan yahay xeerka cafiska Madaxweynaha, waxaan saaka ooda laga qaaday 491 maxbuus oo ka faa’iidaysta cafiskaasi uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyay xafiskaasi oo ku saabsanaa munaasibadii 18-ka May 2013.22 guuradii dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, dhamaan maxaabiistaasi waa maxaabiistii danbiyada yar yar ee xadhigoodii uu ku hooseeyo laba sano” ayuu yidhi C/raxmaan Axmed Maxamuud.

 

 

Xigasho:Wargayska DAWAN