Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa U soo Daawasho Tagay Tartanka Goboladda Ee Kubbadda Kollayga

Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa U soo Daawasho Tagay Tartanka Goboladda Ee Kubbadda Kollayga

June 6th, 2013 

HARGEYSA (SM)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa booqday oo kormeer ku tagay garoonka kubadda Kollayga ee Timacade ee Magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ay ka socdaan Tartanka ciyaaraha kubadda kollayga ee goboladda dalka.

Waxa caawa tartanka kubadda Kollayga Isku haleelay xulalka goboladda Maroodi-jeex iyo Sanaag.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii uu garoonka soo galay 8:30 cawaysnimo ee caawa waxa mar qudha is qabsaday sacab aan kala go’ lahayn oo ay muddo daqiiqado ah u tumayeen Boqolaalkii qof ee u soo daawasho tagay garoonka kubadda Kollayga Timacadde ee Caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ku weheliyay booqashadiisa garoonka Timacade Wasiirrada Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal, Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Kalluumaysiga Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.

Waxa intaasi in madaxweynuhu aanu wadan haba yaraatee wax Ciidan ah ama Ciidanka gaarka ah ee Ilaaladiisa sidoo kalena aanu wadan Wax Baabuur Tikniko balse uu watay uun Madaxweynuhu baabuurta Shicibka oo ka kooban saddex baabuur oo keliya.

Ciyaartan labada xul ee kubadda Kollayga ee Maroodi-jeex iyo Sanaag oo ahayd ciyaar aad u xiiso gelisay dadweynihii u soo daawasho tagay waxaanay ku dhamaatay 54 dhibcood oo ay keensadeen xulka Maroodi-jeex, halka xulka gobolka Sanaag-na ay la yimaadeen 29 dhibcood.

Salaanmedia/Hargaysa