Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyadda ku Qaabiley Ardayda Dugsiyadda Dhegooleyaasha ee dalka

image
Hargeysa (SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan balaadhan ugu sameeyey Ardayda Dhagoolayaasha Somaliland oo ka kala socday 5 Dugsi oo ka kala yimid Gobolada Awdal oo Hal Dugsi oo Boorama ku yaala , Togdheer oo uu ka socday Hal Dugsi oo Burco ku yaala, Maroodi-jeex oo ay ka socdeen laba Dugsi oo Hargeysa ku yaala iyo Gabiley oo ay ka socdeen hal Dugsi.

Kulankan waxa kale oo goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Mudane Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoole iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris).

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay kulankaasi ayaa aad ugu mahad celiyay ardaydan dhalinyarada ah ee dhegaha la’a ee waxbaranaya, waxaanu tilmaamay inuu ku farxay heerka ay waxbarashada ka gaadheen.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan u balan qaadayaan ardaydan inay wax kala qabtaan horumarinta waxbarashadda.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi ku daray inuu u balan qaadayo inay fursadaha shaqo ee qaranka ka soo baxa ay mudnaan dheeraad ah siin doonaan ardayda dhegaha la’ ee waxbartay.

Kulankaasi waxa ka hadlay masuuliyiinta dugsiyadda dhegooleyaasha oo iyagu ka xog waramay xaaladda waxbarasho ee ardayda dhegooleyaasha Somaliland oo ay sheegeen inay ardaydu ay si wanaagsan wax u bartaan isla markaana loo dhigo manhajka dugsiyadda dhexe iyo Sare ee dalka.

Ardayda dhegooleyaasha oo adeegsanayay farta iyo calaamadaha ay wax ku bartaan waxay madaxweynaha hortiisa ka qaadeen heesta calanka Somaliland.

Waxa isna Xusid mudan wiil aad u da’a yaraa oo ka mid ahaa ardayda oo madaxweynaha Khudbad u soo jeediyey iyada oo uu ka turjumaayo macalinkiisii oo isna soo bandhigay heerka aqooneed ee ay taagan yihiin Ardaydan Dhegaha-la’a.

salaanmedia/Hargaysa