Madaxweyne Faroole” Waligey ma aqbalayo in Dowlada Dhexe Soomaaliya ka dhalato [Dhageyso]

Madaxwenyaha Dowlada goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in dalka Soomaaliya uu ku shaqeyn doono Nidaamka Federaalka taasina ay tahay mida kaliya ay Shacabka Soomaalida ee mudadii 22-ka sano eheed is dilayay  ku kala Nabad gali karaan iskuna Aamini karaan.
dr-Faroole-17

Hadalka Madaxwenye  Cabdiraxmaan  Halkan ka dhageyso

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Shacabka reer Puntland ugu digay in ay hantidooda ay gashtaan Magaalada Xamar oo aysan sameynin qaladkii ay kal hore sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa  hanjabaad iyo Habaar waxa uu isugu daray kuwa qaska ka wado Magaalada Kismaayo ee laga soo diray Madaxtooyada Soomaaliya .