Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In S/land La Degdegay Xoriyadii Ingiriisku Siiyey 60-Kii,

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In S/land La Degdegay Xoriyadii Ingiriisku Siiyey 60-Kii, Somalia-na Isku Taxday Mansabyadii Dawlada Ee Jiray Xiligaasi

SIILAANYO

June 27,2013 Hargaysa(SM) Xuska Sanadguurada 53aad ee ka soo wareegtay 26-kii June 1960-kii markii Somaliland ka xorowday boqortooyadii Ingiriiska ayaa xalay munaasibad lagu xusayey lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Somaliland. Munaasibadaasi oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Dawlada, Axsaabta dalka, Wufuud caalami ah iyo Martisharaf kale ayaa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysay in Maalinta 26-ka June ay qaar u tahay Somaliland oon cid kale la wadaagin.

Ugu horayna waxa halkaasi hadal ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo kaas oo sheegay in maalintii Israacii labada dawladood ay Somalia isku taxday Mansabyadii jiray xiligaasi oo aa wax la qaybsan. “Ummada Somaliland hadaynu nahay markii aynu xoriyada qaadanay inaga oo ku fikirayna himiladii ahayd Soomaalidu meel kasta oo ay joogtayba inay rabtay Soomaali in la isku keeno, ayaynu la degdegnay xoriyadeenii oo aynu koonfur gaynay, dunidii markaa jirtay raali kamay wada ahayn balse inagu himilo Soomaali ay wada hiigsanaysay ayay ahayd, maanta oo modo dheeri ka dambaysay waxa ka horeeyey halgan dheer oo la soo galay. Maalintii israaci waxa dhacay in wax ala wax qayb ah oo Somaliland iyo Somalia ay qaybsadeen aanay jirin hadii ay tahay mansabyadii dawlada ee jiray markaa haday Madaxweyne haday Raysal Wasaare tahay haday saraakiil tahay wax kasta oo ay tahay wax alla wax Somaliland loogu tala galay meesha kamay muuqan Somalia ayaa isku taxday, maantana waxa uu Madaxweynaha Somalia yidhaa Caadifad ayay ku fadhidaa Somaliland, caadifad kuma fadhidee waxay ku fadhidaa wax ay muddo badan usoo adkaysanaysay oo ay ka dagaalameen oo ay usoo halgameen oo ay maanta ku guulaysteen ayay ku fadhidaa, waxa aanu leenahay maanta ummada Somaliland madaxbanaanideedii bay haysataa, dad usoo halgamay oo soo dhacsaday oo dimuqraadiyad leh oo nabadgalyo ka jirto oo dadkiisii oo mid ah oo iskii u shaqaynaya oo dunida la shaqeeya oo dunidu la macaamisho weeyi.

Insha allaahu tacaalaa maalin maalmaha ka mid ahna waynu gaadhi doonaa waxa aynu hiigsanayno oo ah madaxbanaani iyo ictifaar aynu hiigsanayno insha allaahu tacaalaa waynu gaadhi doonaa maalin aan fogayn”. Madaxweyne Siilaanyo oo Fariin u diraya Somalia oo uu ugu sheegay in Jiritaanka iyo Madaxbanaanida Somaliland ay muqadas tahay, waxa uu yidhi “Waxaanu u sheegaynaa oo aanu u sheegaynaa walaalahayaga Somalia in Somaliland jiritaankeedu uu muqadas yahay inaan cadho iyo xumaan toona ay na kaxayn ee waxana na kaxeeyey ay tahay taa aanu ka waramaynay ee laga waramayey ay tahay oo ah in Somalia ay isku sar goysay wax alla wixii ummada ka dhexeeyey.

Waxa aynu xasuusanaa wakhtigii Ingiriisku uu ina siinayey madaxbanaanideena wuxuu ku taliyey horta inaynu iska hubsano oo marka hore la wada hadlo, inaguna caadifadii ina haysay ayaynu nidhi wax alla wax loo fiirsanayaa ma jirto oo waynu ku shubaynaa waynaynu ku shubnay wixii inagu dhacayna waynu ogayn. Markaa maanta waxa aynu leenahay xoriyadeenii waynu la soo noqonay, dagaal baynu kula soo noqonay, madaxbanaanideenii baynu haysanaa”.

Salaanmedia/Hargaysa

source haatuf