Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, Maxayse Ka Wada-hadleen ?

anaa-300x198

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, Maxayse Ka Wada-hadleen ?
June 5,2013 Muqdisho (Cadceed) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo waftiga uu hogaaminayo oo maalmihii danbe ku sugnaa magaalada Yokohama ee dalka Japan halkaas oo ay kaga qaybgaleen shir gaara oo looga hadlayey arimaha Soomaaliya iyo shirkii 5-aad ee horumarinta qaaradda Afrika ee ay marti galisay dowladda dalka Japan ayaa gaaray wadanka Kenya.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo kula leh magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha dalka Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow oo waraysi siiyey raadiyaha dowladda ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen,adkaynta amniga xuduudaha labada wadan,ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo sidii maaro loogu heli lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga Kenya.
Wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa maalmihii danbe kulamo isdaba joog ah kulahaa magaalada Nairobi kuwaas oo ay dib ugu eegayeen waxyaabihii ka qabsoomay heshiisyadii dhexmaray labada dalka.
Afhayeenka madaxtooyada Inj. Yariisow ayaa sheegay in kulamada madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay soo socon doonaan isla markaane ay si qota dheer uga wada hadli doonaan arimo badan oo quseeya xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku hawlan sidii uu u hagaajin lahaa xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya wadamada deriska iyo guud ahaan caalamka,wuxuuna dalka dibadiisa ku tagay safaro fara badan oo uu ugu gogol xaarayo arintaasi.

Salaanmedia/ Muqdisho