Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Wafdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay iyo isaga oo guullo ka muujiyay kulamadda uu la qaatay Madaxda Britain.

Waxaa maanta Magaallada Muqdisho dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wafdu uu Hoggaaminaayo.

news-image1

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka soo noqday dalka Ingiriiska, halkaas oo ay kaga qeybgaleen shirkii waddamada ku horumaray warshada ee G8.

Xubnaha wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka.

Dhanka kale, Hoolka Madaarka ayaa waxaa Saxaafadda kula hadlay Afhayeenka madaxtooyada Somalia Eng. Yarisow ayaa xusay in guul uu ku soo dhammaaday kulanka madaxweyne Xassan iyo Ra’iisul wasaare Cameron.

Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay Socdaal qaatay Laba Cisho ku joogay Magaallada London ee Cariga dalka Britain iyagoona halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Madax ka tirsan Dowladda Britain.

Xafiiska Wararka Salaanmedia.com
Muqdisho-Somalia