Magacyada Maxaabiis Bilaa Maxkamad Muddo Dheer ugu Jira Xabsiyada Hargeysa iyo Mandheera

Magacyada Maxaabiis Bilaa Maxkamad Muddo Dheer ugu Jira Xabsiyada Hargeysa iyo Mandheera

Xarun xuquuqal-insaan saldhiggeedu yahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa shaacisay magacyada maxaabiis maxkamad la’aan muddo dheer ugu xidhan xabsiyada magaalooyinka Hargeysa iyo Mandheera.

Warsaxaafadeed ka soo baxay shalay xarunta xuquuqal-insaanka oo la yidhaa HRC, ayaa lagu sheegay in maxaabiis tiradoodu gaadhayso afar qof ay xasbiyada Somaliland maxkamad la’aan ugu xidhan yihiin muddo u dhexaysa sannad ilaa saddex sanno, waxaanay ku baaqday in maxaabiistaas maxkamad sharci ah la horgeeyo, haddii kale xorriyadooda loo celiyo.

“Xarunta Xuquuqal-insaanku waxay ogaatay afar qof oo xidhnaa muddo dheer iyaga oo sugayey in dacwad lagu soo oogo. Maxamed Nuur Xirsi iyo Maxamed Cabdi Xasan waxa la xidhay14/1/2010, halka Shucayb Ardaale Warsame la xidhay 7/12/2011. Sidoo kale, Cabdishakuur Abiib Diiriye waxa la xidhay 12/1/2012.  Afartaas qof waxay xidhnaayeen inta u dhexaysa saddex sanno iyo lix bilood iyo sannad iyo lix bilood. Waxa laga soo kala qabtay magaalooyinka Gebilay iyo Hargeysa,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xarunta Xuquuqal-insaanka ee HRC Mr. Guuleed Axmed Jaamac.

Waxa kaloo lagu sheegay in maxaabiista muddada dheer bilaa maxkamadda u xidhan lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen falal hore uga dhacay degaannada u dhexeeya Gabiley iyo Boorama oo waqtigaas lagu laayey dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo eedaysanayaashaas loo haysto falal isugu jira dil, budhcadnimo iyo kicin dadweyne, balse sida xarunta xuquuqal-insaanku xustay ilaa hadda lama horgeyn maxkamad ku hesha ama ku wayda eedaha loo jeediyey.

“Waa arrin aad looga naxo in muddo ka badan saddex sanno iyo badh qof xidhnaado isaga oo ka war-sugaya in dacwad lagu soo oogo.

Sharcigu wuxuu ku xaddiday inta u badan ee qof loo hayn karo garsugid 90 maalmood. Afarta qof waxay u xidhnaayeen sifo sharci-darro ah in ka badan intii sharcigu jideeyay in la hayo.

Waxa dastuurku si cad u xaarantinimeeyey in qofna la hayo in ka badan inta sharcigu jideeyey sida ku cad qodobka 27 ee Dastuurka Somaliland.

Sida ku cad qodobka 27(9) waxa lagu mutaysan karaa ciqaab haddii la dhawri waayo hannaanka sharcigu u dejiyay u haynta qof garsuge ahaan. Xeerka Habka Ciqaabtu wuxuu waajibinayaa in muddada qof loo hayo garsuge ahaan waajib tahay in toddobaad walba la horkeeno garsoore si uu uga go’aan gaadho, hadduu u baahdana u cusboonaysiiyo muddo toddoba maalmood ah, taas oo macneheedu yahay in aan qof la hayn karin wax ka badan toddoba maalmood.

Waxa waajib ku ahayd dawladda inay ku soo oogto dacwadda ay u haysato oo horgeyso maxkamad, balse sharcigu uma oggolaanayo inay qof iska haystaan.

Sida ku cad qodobka 25 ee dastuurka qofna xorriyaddiisa loogama qadi karo si aan xeerka waafaqsanayn. Qodobka 25 ee Dastuurka, farqaddiisa 3aad wuxuu ku waajibinayaa dawladda inay dammaanad-qaaddo xuquuqda iyo xorriyaadka muwaaddiniinta.

Sida uu dhigayo qodobka 26 ee Dastuurka eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aannu maxkamad horteed kaga caddaan dembi. In qof la hayo muddo dhawr sanno ah isaga oo garsuge ah waxay ku gefay dembi-laawinimadiisa.

Waa werwer aad u weyn in xabsiyada Somaliland lagu hayo dad si ka soo horjeedda sharciga Somaliland.

Talo-soo jeedin:

Xarunta Xuquuqal-insaanku waxay u soo jeedinay masuuliyiinta Somaliland:

1. Inay si degdeg ah u sii dayaan dadkaas muddada dheer xidhnaa, haddii ay dacwad u hayaanna sida ugu dhaqsaha badan ugu soo oogaan,

2. In baadhitaan lagu sameeyo sababaha keenay in dadkaas muddo intaas le’eg la hayo, ciddii masuuliyaddeeda lahaydna tallaabo laga qaado,” ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedka xarunta xuquuqal-insaanka ee HRC.