MEE DAMIIRKAAGII ?..CALI MAXAMED BIIXI

MEE DAMIIRKAAGII ?..

calimaxamedbiixi2

DAMIIRKAAGII MIYUU NOOLYAHAY ? MISE WUU DHINTAY ?
Islaamka hortii dunidu MUGDI -DULMI  – JAHLI – QABYAALAD -CADDAALAD DARRO -NAXARIIS LA AAN -ADOONSI – DAMIIRKA DADKA OO DHINTAY -AKHLAAQ LA AAN – ayay ku jirtay – cidba cidda ay ka xoog wayntahay bay muquuninaysay , sida xayawaanku isu cuno ayaa laysu xoog sheeganayay .
RISAALADDI ISLAAMKU markay timi waxay xanbaar sanayd CADDAALAD – XORIYAD – SINAAN -WALAALTINIMO -AQOON – iyo ladagaalanka DULMIGA oo dhan nooc kasta oo uu yahay , wuxuu islaamku hagajiyay AKHLAAQDII banii aadamka .
Hadaba ma garanayo , siday suurto gal ku tahay in uu hogaamiye DAMIIR lihi  oo DIIN LEH uu go aan (DIKREETO) xaq daro ah uu soo saaro , askartiina (booliska ) iyo (militarigaba ) ku adro inay dillaa ama soo hidhaan qof aan waxba gaysan . ( waxa laga yaabaa inuu ra yi ka xukuumadda ka duwan soo jeediyay ) intaas ayaa denbi looga dhigey .
Ma garan karo , sidee buu hogaamiyahaasi (wasiirkaasi) (mas uulkaasi ) uu u seexan karaa oo u gam i karaa ?
Miyaanu maqlayn oohinta hooyooyinkii ku goblamay dagaalkii faqashta lala dagaalamayay ?
Miyaanu xasuusan kuman yaalka dumara ee say yadoodii ku waayay dagaaladii dib u xoraynta ?
Miyaanu arkayn agoomaha tirada badan ee aabba yaashood iyo hooyoo yinkood lahayn ee derbiyada jiifa ???
Miyaanu ogayn kuman yaalka dunida qaxootiga ku ah ? kuwa badaha ku madhanaaya ? ee isaga dulmigiisa iyo rajo la aanta uu u keenay ?
Sideebuu wax u cuni karaa ? oo caloosha u buuxin karaa ? oo cuntada afka u gelin karaa ? iyada oo shacab kiisaa in badani aanay haysan luqmad ay afka geliyaan ?
Sidee buu hogaamiyahaasi ugu raaxaystaa qasriga uu ku jiro oo uu uga raali noqdaa in 24 ka saacadood uu ilaalo helo ?
sidee buu u helaa inuu isku qoofasho qasri -shaqo iyo xafiis iska soo horjeeda ?
iyadoo shacabka intiisa badani aanay haysan shaqo -xafiis guri ? waxaa uu ku tagri falaayo oo dhamina waa cashuurta iyaga laga ururiyo , oo aanu waxba ugu qaban .
Sidee buu hogaamiyahaasi -wasiirkaasi – mas uulkaasi u tagaa masaajidada oo ugu tukadaa – oo uu ugu rakoocaa oo uu ugu sujuudaa iyada oo weliba tv yada laga daawanaayo , isaga oo maalin kasta qo aamo (digreeto ) soo saara DULMI AH , go aamadaas dulmiga ah CARSHIGA AYAA KA GARIIRA .
miyaanu ogayn in uu ilaahay hor tagi doono ? miyaanuogayn in dhimashada loo siman yahay ? miyaanu ogayn in lawada dhimanayo ?miyaanu ogayn in la xisaabinaayo ? (isxisaabi intaan lagu xisaabin ) .
DAMIIRKAAGII MEE ? BAL ISWAYDII , INUU NOOL YAHAY IYO INUU DHINTAY ?
bal damiirkaaga maxkamadee ? bal muraayadda is hortaag oo eeg damiir kaagu inuu kaa wisigoobay iyo in uu nadiif yahay ?
BAL AKHLAAQ DAADA DIB U EEG OO MIISAAN SAAR ???
BAL DIB ISU WAYDII :MEE DAMIIRKAAGII ? DAMIIR LA AANTA CUDUR KAWAYNI MAJIR , DAMIIR LA AANTU WAA AABBAHA JAHLIGA , DAMIIR LA AANI WAA INDHO LA AAN .
INTAAN LAGU XISAABIN QOF KASTAW IS XISAABI .
CALI MAXAMED BIIXI            caliwwelli@hotmail.co.uk