Mucaaradka Djibouti oo Hanjabaad aan looga baran u diray Dowladda Ismail Omar Geele.

news

Ismaaciil Geedi Xareed oo ah Gudoomiyaha Barlamanka mucaaradka Jabuuti, ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay Haddalo dhawaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha oo sheegaya in Dowladda ay Tallaabo wax ku’ool ah ka qaadi doonto haddii aysan joojin Dhibaatooyinka iyo Qaska ay kawadaan gudaha iyo Gobaladda dalka.

Gudoomiyaha Barlamanka mucaaradka Jabuuti, waxa uu ku hanjabay haddii lagu eedeeyo Eedeymo been ah inay gabi ahaan dalka ay qasi doonaan, waxa uuna Ismaaciil Geedi Xareed ku hanjabay inay go’aano ka gaari doonaan Eedeymaha kaga imaanaya dhanka Xukuumadda.

Dhanka akle, Ismaaciil Geedi Xareed, waxa uu Warbaahinta ka shaaciyay in Mucaaradka aysan weli bilaabin wax Foodooyin ah, isagoona Daboolka ka qaaday haddii ay sidaasi Dowladda kusii wado ay heli doonto Jawaab deg deg ah oo ay bixin doonaan Mucaaradka.

Ismaaciil Geedi Xareed oo arintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Cidna nagama hor istaagi karto rabitaankeena hanjabaad kasta oo naloo jeediyo anaga waxaanu dooneynaa nabad iyo cadaalad” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Ismaaciil Geedi Xareed Madaxa Barlamanka Mucaaradka Jabuuti, waxa uu intaa raaciyay in Dowladda looga baahan yahay inay ka fiirsato Haddalada daan-daansiga oo ay hawada u marineyso Mucaaradka, isagoona sheegay inay Digniino kama dambeys ah u dirayaan Dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Ismaaciil Geedi Xareed, waxa uu Tilmaamay in lagu jiro Xiligii la xalin lahaa Cabashadda Mucaaradka, waxa uuna sheegay inay isku dayeen inay wada hadalo la galaan dowladda Ismaaciil Cumar Geele balse ay ka dhaga adeegtay.

Salaanmedia/Hargaysa