Muj.Maxamed Xaashi Oo Xukuumadda Ku Canaantay Sidii Loo Xusay Maalintii Xasuuqa Somaliland

 

Muj.Maxamed Xaashi Oo Xukuumadda Ku Canaantay Sidii Loo Xusay Maalintii Xasuuqa Somaliland

Hargeysa(Salaanmedia) June03, 2013 – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay meel la soo fadhiisato ama wada hadalo la bilawday xukuumadda aan qirsanayn xasuuqii baahsanaa ee loo geystay Maatidii reer Somaliland.

Waxa xusay in ka hor wada hadaladda loo baahnaa in Somalia qirto in ay dhibaato soo gaadhsiiyeen shacabka Reer Somaliland.

Sidaasna waxa uu

ka sheegay madal lagu xusayo maalinta Xasuuqa oo hadda si toos ah uga socota Hoteel Emperial ee Magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi

?Horta aniga way I dhibtaa dadkii waxaas inoo geystay marka ay leeyihiin walaaladeen way jibaysan yihiin, waa mid  aanan u dul qaadan Karin.

Dadkan sida badheedhka ah loo laayay waxa ay ahayd in xabaal wadareed loo sameeyo,  oo sidii sharcigu dhigayay loo aaso, DNA-dana laga qaado.

Waxa aad moodaa in aynu ku yara mashquulnay shirar Somalia ah, wax alaale wax ka soo baxayaa ma jiraan, waxa fiican in aynu ka diyaar garoowno, waayo waxa la inagaga baqaa waa cudud iyo xoog, waxa aynu kordhin lahayn oo kaga hor tagi lahayn si aanay u odhanin ciidamadeenu waa in ay dhinaca kalena tagaan, xukuumaddana waxa loo baahan yahay in ay ka hawl gasho sidii loo baadhi lahaa xasuuqa, dawladaha jaarkana aynu la kaashano, xukuumadana xil baa ka saaran dadkeedii sidaas loo laayay, waa wax, wax lagu qaato?

Maxamed Xaashi waxa uu carrabka ku dhuftay in ay ceeb tahay in xukuumadda Somalia lala fadhiisto, maadama aanayn qirnaynin in ay hagar daamo soo gaadhay shacabka reer Somaliland ?Waxa wax lala yaabo ah in xukuumadda Somalia oo aan qirsanayn in ay dhibaato ina soo gaadhsiiyeen in lala fadhiisto, waxa ay ahayd in marka hore lagu khasbo in ay qirtaan in ay dhibaato ina gaadhsiiyeen, waana mid aan haboonayn in lala fadhiisto oo la yidhaahdo wada hadalo ayaanu la gelinaynaa? ayuu yidhi

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xasuusiyay in ay xilka ay hayaan ay ku gaadheen dhibaato la soo gaadhsiiyay shacabka reer Somaliland, balse ay la yaab tahay in ay ka maqnaadaan xuskaasi.

“Waxan ay maanta ku joogaan ee ay madaxda ku yihiin waa wixii loo soo dhistay in ay joogaan bay ahayd, hadii laakiin maanta la yidhaahdo waxbaa la furayaa waxa laga yaabaa in ay ka soo qayb geli lahaayeen” ayuu yidhi

 

 

 

Salaanmedia

Hargeysa Desk

 

 

Â