Nimco Barre oo ah Qurbajooga Reer Somaliland ee Sucuudiga oo Tabarucaad soo Gaadhsiisay Ururka Wadaniga ah ee TabanTaabo

Nimco Barre Nuur oo ah Qurbajooga Sucuudiga ee Somaliland ayaa waxay ururka Tabantaabo ku soo hagaajisay alaabooyin mucaawino ah oo uu wakiil ka ahaa Ganacsade Cabdillahi Carab isaguna toos u soo gaadhsiiyey ururka. Alaabtaas oo isugu jirtay Gaadhi- cunyaano, Bustayaal iyo dhar  kuwaas oo  ay ugu talogashay inay ku taageerto curyaamiinta iyo dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Somaliland.

Munaasibaddii logu guddoomay Alaabtaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ganacsato ay ka mid ahaayeen Cabdillahi Carab iyo Cabdifataax Xuseen Gamaame iyo dhalinyarada ururka Tabantaabo.

Munaasibadaasi oo uu Ganacsade Cabdillaahi  Carab hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “ Nimco Barre ayaa mucaawinadan soo dirtay una soo dirtay dadka u baahan sida Curyaamiinta iyo Busteyaal ay ugu talogashay in la siiyo Boarding-ka Qoton taas oo aan maaanta halkan ku wareejinayo ururka Tabantaabo si ay iyaguna u gaadhsiiyaan dadkii loogu talogalay” Cabdillahi Carab ayaa xusay in Nimco Barre ay dadaal badan galisay sidii ay alaabtan u soo diri lahayd iyo ururinteedaba , isagoo intaa ku daray in Alle ka abaal mariyo Allena cadaabta kaga ilaaliyo.

Maaha markii kowaad ee ay Nimco Barre mucaawino soo gaadhsiiso ururka Tabantaabo ee waxaa jirtay in sannadkii hore ay lacag u soo dirtay ururka islamarkaana uu wakiil ka ahaa Ganacsade Cabdillahi Carab si fiicanna waa loo gaadhsiiyay meeshii loogu talo galay.

 

Dhinca kale hogaanka ururka Tabantaabo ayaa halkaas uga duceeyey Nimco balanqaadayna inay Alaabta  gaadhsiin doonaan meeshii loogu talo galay iyo dadka u baahan  iyo Dugsiga Boarding-ka ah ee Qoton ee kamid ah Degmada Sabowanaag ee Hargiesa, si fiicanna ay u maamuli doonaan kuna booriyay Nimco Barre inay dadaalka sii laban laabto oo halkaas ka sii wado.

 

Waxaa kale oo xusid mudan in Ganacsade Cabdifataax Xuseen Gamaameeye uu qayb libaax leh ka qaatay qaybinta alaabta iyo gaadhsiinta dadkii loogu talo galay oo uu guryahooda ugu geeyey.

 

 

By: Abdillahi A. Caabi