NINKII MAYDKU KA DHACAY WAXA LAGA REEBAY HADUUU SII GO’AY..

maqaal

BISMILAAH=Waxa aan caawa mudaba ku dhex jiray oo aan dhex mushaaxaayay 1-shabakadaha wararka 2-facebook iyo waliba dhagta oo aan maalaayay in muddo ah dal iyo dibadba.waxaanan hoosta iska idhi QALINBAA HADHSANAAYE, ISKA MIYAY QUDAANSHEEN, WAAKAN QAYLINAAYEE••qoraalada aan akhrinaayay iyo hadalada aan maqlaayay ayaa ahaa qaar aad is odhanayso loomaba meel dayin,ka bilaw afhayeenkii madaxtooyada,ku xigsii qoraadii dalka,ku xigsii shabakadaha intii la tusmaayay+dadka intii saaxiibul caqliga ahayd..Hadii aad ka bogato wararka page’s ka lasoo dhigayo ee ama laga soo dheegtay dhanka shabakadaha ama ay dadkaasi alifeen ayaa ah qaar aad is odhanayso tollaw ma ka kasbaa mise waa ka kal karti la’aan.!!
 
Hawshaa ka dib waxaan in badan la amakaagay warka ah isku shaandhaynta xukuumada Maxamweyne Siilaanyo.midna waan ka muusooday oo aan majiirtay muddo minido ah…Runtii iyadoo lagu yaqaan maamulka siilaanyo mirta saqdadhexe ee aan maskaxdu joogin ayaa waxa usii raacay hadar aad moodo inay hurdo keentay,hadii aan yara taabto arimaha aan wa yalaalugooday ayaa waxay yihiin wasiiraa la isku badalay, qaarna waa la eryay,qaar kalena hadayba kooyaan! dabeed waxa markiiba maskaxdayda kusoo dhacay dhawr wazaaradood oo aad loogu jeelanaa la islahaana odayguna xanta maqal.waa wazaarada arimaha dibada+madaxtooyada+warfaafinta+macdanta iyo biyaha+duulista iyo hawada+ciyaaraha.
 
Dhoolkaan lahaa dhaanka waa loo nagayn Cidluu dhiilihii ku furay.!Dhamaan wazaaradahaan soo sheegay laba mooyee wax la badalay iyo wax la eryay toona meesha kuma jiraan, ku darsoo meelo aynaan uba fadhiyine ayuu maradii kasii tuuray oo uu keenay qaar uu warkoodu inoo danbeeyo iyo qaar aan  waxabab galabsan sidaynu ognahay oo iyana la eryay,Sidii caadada u ahayd madaxweynaha iyo teamkiisa ayaa waxa daaqada laga saaray waziiradii bulshadu amaanta huwin jirtay sida Caafimaadka Dr Xuseen Xoog, kaba sii darane musheekhda masaajidada laga soo afduubayo ayaa iyana ah wax aan inagu cusbayn iya-doynu hore u ogayn Dr Maxamed Rashiid oo ahaa halbawlayaasha xisbiga Ucid ayuu maantana Wadnihii kala baxay Xisbigii wadani Cali Maxamed Warancade.
 
Hadii aad isha iyo dhagtaba siiso waxa aad kusii dagaysaa god hoose oo aan wax naliiba ka bidhaamayn, Waa waziiradii fartu ay ku gudnayn oo aad moodo inay iyagu yihiin kursiga uu siilaanyo ku fadhiyo ee lama taabtaanka ah, Qaarkoodna intoo gudintii laga dhigay yaanbo ama faash gacanta loo galiyay.!
 
Waxaad arkaysaa waziir markii hore lagula yaabanaa shaqada loo igmaday oo aan haba yaraatee wax aqoona u lahayn firfrcooni iyo tallo qaadashana warkeedba daa” ayaa waxa hada loo caleemo saaray Wazaarad kale oo aan waxba dhaamin halkii ay ku fashilmeen balse sababo loo geeyay ay jiraan,Sida Waziirkii horee warfaafinta iyo kii arimaha debeda iyo kii dib u dejinta oo uu dan muhiima u geeyay saddexdaa wazaaradood.! waxa wali la garan laayahay xilalka waziiradii hore ee la badalay loo igmaday sida kii kaluumaysiga oo la yidhi la taliye balse aan wali la sheegin waxa uu kala talinayo madaxweynaha.!
 
Waxa iyana wali ay in badani is waydiinaysaa musheekhdan masaajidada laga afduubayo sida Cali Maxamed Warancade oo ahaa wadnihii iyo mishiinkii xisbiga mucaaridka ah ee wadani sababaha kalifay in xil looga magacaabo xisbiga talada haye ee kulmiye.
 
Si kastaba ha ahaatee markaad qaado jaranjarada intaa leeg ee jahawareerka badan ayaan waxaan qadar ku nastay oo aan ka muusooday xilka waziirka arimaha debada oo ahayd wazaarad ay bariinsatay mushkilado soo taxnaa iyo liidasho siyaasadeed oo ay islaan waliba ka biyo diidsanayd,
 
Xilkaas oo la huwiyay masuul aanan aqoon shaqsiyadeed u lahayn balse shaqada loo igmaday ku haboon, sida aan ka dheehday taariikhdiisa shaqo waa nin siyaasada arimaha debada iyo waliba wax ka qabashada mushkiladaha waaqiciga ah u bisil oo muddo badanba kasoo shaqaynaayay siyaasada arimaha debada isagoo ka mida fara ku tiriska Qaramada midoobay ugu fircoonaa,kana so shaqeeyay dalalka Libnan,Israil,Daarfuurta Suudaan,Midawga Africa,iyo Waliba latin America Mudane Maxamed Biixi Yoonis (Maxamedka Jadiid/Maxamedka Cusub) 
 
Isku soo wada xooriyoo waxa ay natiijada isku rog-rogani ku siinaysaa waa waxaan dhaamin sidii hore,markaad eegto qaabka wax loo magacaabay oo ah qaab wali aan qabyaaladii ka madhnayn aqoona aan lagu miciinsan misana dabayshii dhacaysay aan wali wax gabooda loo helin..Dabeedna aad ku sifayn karayso hanbabar iyo hadar qof hurda uu lasoo toosay.
 
Waxaan xasuutay murtidii uu dhaxalka inoogu dhigay Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye (Qaasim) (AHUN)
oo ay tuducyo ka midii igu soo dhaceen waxaanu odhanaayay.
 
Sidii bay u dooyaysan tahay damashii weynaydee,
Sidii bay duleedada dhar li;i ugu dab jeexaannee,
Sidii baa dudada aar dhiciyo dacaw u joogaayee,
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha,e,
sidii baa docuhu aqaladu uga daloolaannee,
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaayee,
Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaayee,
Sidii ducaalow biyaha loo dawariyaayee,
Sidii bay daba-goobsi u tahay haradii doolloodee.
Waxaan kaga baxayaa xaajadu waxay maraysaa kud ka guur oo qanjo uguurWaana ka dar oo dibi dhal...geedi aan loo sahan dayin iyo qaar kaloo badan...NINKII MAYDKU KA DHACAY WAXA LAGA REEBAY HADUU SII GO’AY..!!!
 
Qalinkii/ Abwaan: Mohamed Xasharo
From France/Nantes