OGEYSIIS: SHUCUUBTA SOMALIA, S/LAND, D-JIBOUTI, KELIGA 5AAD, EAST KENYA

943702_10151707990799739_1364196459_n

As/Alykum
Waxaa mudo aad u dheer ka socday Wadanka S/Africa, Dilka iyo Dhaca lagu hayo Qofkasta oo loo garto inuu ka soo jeedo Qabiilka SOMALI, iyadoon loo eegaynin deegaanka uu ka soo jeedo.

Arintani waxay sababtay in dilalkii iyo dhacii sii xoogaysto iyadoo hada dariiq kasta iyo goobkasta qofka Jinsiyada Somali ka soo jeeda lagu dilayo, loona geysanayo dilis aad u xun OO ah DHAGAX AMA TOORAY.

Daawada Labadan Video ee hoose.

Digniin: waa ka mabnuuc Dumarka Uurka leh Iyo Caruurta ka yar 18 yrs, waa video xambaarsan dhacdooyin dhab ah ninka dhagaxa lagu dilay eraygii ugu dambeeyey ee uu yiraahdo ayaa ahaa TOL BEELAY taas oo uu ula jeedo Somali OO dhan.

Fadlan Qofkii Dareen iyo Damiir lahi yuusan ka maqnaan banaanbax balaadhan OO ka dhacaya Wadankan UK, maalmaha Jimcaha iyo Sabtigaba Safaarada S/Afrika ku leeyahay Waddankan.
Wakhtiga iyo Addresska hoos ka dheehda. Waddan walba wuu soo qaadan karaa Astaamihiisa.

… 7 & 8 June 2013
Address: South African High Commission
South Africa House
Trafalgar Square
London WC2N 5DP

Dates: 7 & 8 June 2013
TIME: 14:00 – 19:00 For Both days

Jimcaha waa Salaada ka dib, Masaajidadu dadka ha ku wacyi geliyaan ka soo qaybgalka iyo Khayrka ugu sugan ka soo qaybgalkeeda.

Mahadsanidin

Qasim Adam Saleebaan
Kasslmn@aol.com
Tel: 07572609561
London