Oradyahanka Reer Somaliland Ee Maxamed Farax (MO) Oo Ku Guulaystay Oradka 5,000M Ee Yurub.

Oradyahanka Reer Somaliland Ee Mo Farah Oo Ku Guulaystay Oradka 5,000M Ee Yurub.

 

Mo Farah oo hore u heysta 2-da billadood oo dahaba ayaa markale u Boqortooyada Britain u soo gacan geliyay billad kaloo dahab ah……

Orodyahanka Maxamed Farah oo hore u heystay 2-da billadood ee dahaba ayaa wuxuu markale Boqortooyada Britain u soo gacan geliyay billad kaloo dahab ah, markii uu ku guuleystay tartanka orodada 5,000M ee qaarada Yurub.

Orodyahanka reer somaliland ee heysta dhalashada Britain, ayaa wuxuu ka qeyb galay tartan maalintii Sabtidii ka furmay Magaalada

Gateshead ee dalkaasi Britain.

Maxamed Farah ayaa wuxuu orodada 5,000M uu ku soo gaba gabeeyay qaddar 14 daqiiqo iyo 10 ilbidhiqsi, waxayana tani ka caawisay inuu ku guuleysto billadii dahabka ee abaalmarin ahaanta loo qoondeeyay.

Markii uu Maxamed  xaqiiqsaday inuu ku guuleystay orodada tartanka, ayaa wuxuu Sujuud kula dhacay Garoonkii uu tartanka ka soconaayay.

MO Farah oo Saxaafada la hadlayay, ayaa wuxuu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay guusha uu gaadhay, wuxuuna intaa raaciyay inuu sidoo kale ku faraxsan yahay inuu farxad la wadaago dadweynaha reer British ee uu magacooda ku ordayo.

MO ayaa wuxuu horey ugu guuleystay 2 billadood ee dahabka ahaa ee orodada 10-ka kun iyo 5-ta kun, ee tartamadii Olympicada ee lagu qabtay Magaalada London.