Prof. Ahmed Ismail Samatar waa 70 jir aan weli khaladka iyo saxa kala garan !! qaybtii 1aad

 Prof. Ahmed Ismail Samatar waa 70 jir aan weli khaladka iyo saxa kala garan !! qaybtii 1aad

PROF AXMED SAMATAR AYAA SI BALLAADHAN LOOGU SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 02 06 2013

Waxaa dhowaan Somaliland soo  gaadhay  Prof. Ahmed Ismail Samatar,oo ah shaqsi reer Somaliland ah,degan wadanka USA. Haddaba qoraalkan waxaan  si kooban ugu dulmarayaa  Prof. A.I.Samatar iyo sida aan u arko  imaatinkiisa Somaliland,soo dhoweyntii  balaadhneyd ee loo sameeyey iyo arimo badan oo kale ,oo aan isleeyahay in la fahmaa waa muhiim.Inta aan qoraalkan ku guda jiro waxaan isku deyi doonaa  in aan jawaabo u helo,suaalo badan oo maalmihii ugu dambeeyey   shacabka reer  Somaliland  iska weydiinayeen  soo dhoweyntii  balaadhneyd ee loo  sameeyey Prof.A.I.Samatar.

Prof.Ahmed Ismail Samatar  waa kuma ?

Prof. Ahmed Ismail Samatar waa nin aqoon yahay ah,mudo aad u dheerna ku noolaa  dibadaha gaar ahaan USA ,oo uu  macalin ka ahaa Jamacadaha wadankaas. Prof. A.I.Samatar ,wuxuu u dhashay,ku dhashay,qoys ahaan iyo qabiil ahaanna ka soo jeedaa Somaliland .Prof. Samatar  waa mid ka mid ah  shaqsiyaadka  ugu mabda  fog ,marka laga hadlayo qadiyada Somaliland,weliba wuxuu  Prof. A.I.Samatar dheer yahay  qaar badan oo la mid ah Aflegaado,erayo badan oo xanaf iyo xaasaasiyad xambaarsan.Ma ah erayo uu si qarsoodi ah u yidhi,ee waa qaar meel walba daadsan iyagoo cajilado ku duuban amase qoraalo ah.  30 sanadood ee ugu dambeeyey Prof .Samatar wuxuu ahaa  ka mid ahaa shaqsiyaadkii  geed dheer iyo mid gaabanba  u koray sidii Somaliland loo dhibaatayn ahaa.

Prof Ahmed.I.Samatar muxuu aaminsan yahay mabda ahaan ?

  • Prof. Ahmed .I.Samatar ,marka laga hadlayo mabda ahaan wuxuu si aad ah u aaminsan yahay  erayga « Somaliweyn »,oo uu haysto in macnihiisu yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay  mid ahaadaan.
  • Wuxuu Madax ka yahay Ururka loo yaqaan « Hiil Qaran »,mana jirto meel  uu kaga baxay,meel uu kaga  tanaasulay midna welina madax buu ka yahay.
  • Prof. Samatar wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya,sida Musharax Madaxweynimada iyo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka hadda ka jira Soomaaliya,kaas oo uu dhowaan iska casilay.
  • Prof .Samatar wuxuu in badan isku deyey in xil ka helo Xukuumada xilligan ka jirta Soomaaliya,laakiin  way u suurto geli weyday,xataa wuxuu isku deyey in  helo Safiirka USA iyo wakiilka UN-ta  balse ma suuro gelin.
  • Prof.Samatar qalinkiisa ,qudbadihiisa,qalbigiisa intuba waa Soomaaliweyn,mana jirto,mana jiri doonto meel uu kaga tanaasulay.

 

 

 

 

Prof. Axmed I.Samatar iyo  caalamka :-

  • Prof. Ahmed I. Samatar ma  aha Siyaasi  ay caalamku yaqaan,ee  waa macalin Siyaasada dhiga, waxaana fiican  in dadka badankiisu ay kala fahmaan macnaha Siyaasiga iyo Macalinka Siyaasada ka dhiga jaamacad  iwm ,runtii waa laba wax oo kala duwan.
  • Prof Samatar,ma laha  wadamo  saaxibo Siyaasadeed la ah,ma jiraan wadamo taageera ,taasna waxaa marqaati cad u ah 30 sanadood ee ugu dambeeyey Prof .Samatar xil buu raadinayey  Soomaaliya,mana heli  xataa Safiir.
  • Laakiin Prof. Samatar wuxuu leeyahay  saaxiibo xagga waxbarashada ah,waana dhici kartaa haddii  uu Madax ka noqdo Jamacada Hargeysa,jamacada Camuud  amase guud ahaan Jaamacadaha Somaliland waa laga yaabaa in wax ku soo siyaadin lahaa.

Ujeedada   Prof.Ahmed I.Samatar  u yimid Somaliland ?

  • Prof.Samatar wuxuu  Somaliland u yimid in soo booqdo  « Qabrigii Hooyadii »oo dhimatay intii uu ku mashquulsanaa  Somaaliweyn,waa xaq, waana waajib(ILLAHAY naxariistii  Jano ha ka waraabiyo ,isaga iyo dhamaan ehelkiina samir iyo iimaan—aamiin).
  • Prof. Samatar wuxuu  wadaa  qoraal uu ku eegayo,xaaalada geeska Afrika,wuxuuna  booqanaya Somaliland,Puntland  iyo Itoobiya,mana aha shaqsi  ka noqday wuxuu hore u aaminsanaa ee Somaliweyn.

Khaladaadkii Prof. Samatar  maalmihii yaraa ee uu somaliland joogay.

Mudadii  yareyd ee uu  somaliland joogay  Prof. Samatar ayaa wuxuu runtii galay khaladaad aad u waaweyn,lana odhan karo waxay  meel ka dhac ku ahaayeen guud ahaanba Shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba,gaar ahaan waxay bahdil ku noqdeen,hooyooyinkii iyo dhalaankii qoraxda u taagnaa soo dhoweyntiisa,sidaa  kale waxay  ceeb iyo weji gabax ku tahay  dhamaan  madaxdii xukuumada ee  kala hororsanay  salaanta iyo soo dhoweynta  Prof. Samatar.Khaladaadkaasi waxay ahaayeen :-

  1. Wuxuu  si cad u diiday Prof. Samatar in uu ka tanaasulo mabdi iisa ah « Somaliweyn »,runtiina  waa fadeexad k u  dhacday kuwii wax kale ka filaayey.
  2. Wuxuu si   badheedh ah u tuuray 2 jeer  Calanka Somaliland ee qaali ah,mana aha  wax markhaati u baahan,cidii  doonaysa in ay aragtana waxay ka  daawan kartaa batra aan ku leeyahay Facebook-ga ee abdi saleiman. Waxaa  waajib ah  Prof. Samatar iyo cidkastaaba ogaato in CALANKA  Somaliland uu ku yimid  hurista naf iyo maal fara badan,cid kasta oo ku khaldantaana waxay ku khaldantay Somaliland oo dhan.

Hadal iyo dhamaan maanta intaa ha inoo joogto,la soco qormada dambe iyo  sidii loo soo dhoweeyey Prof Ahmed I.Samatar,iyo ujeedooyinkii laga lahaa.

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste).

abdi_saleiman@hotmail.com

facebook- abdi saleiman

Twitter  @-saleiman