Qaar ka mid ah Safaaradaha South Africa ee Yurub oo Waraaqo hanjabaad ah la soo gaarsiiyay & Kiiskaan oo Soomaali loo heesto .

Salaan media_002

“Baasiin holcaya iyo dhalooyinka Qaraxyada dhaliya ayaan roob idinkaga dhigi doonaa, mana raaxeesan doontaan inta dhiiga Soomaalida lagu daadinayo gudaha dalka South Africa ayaa lagu yiri Waraaqo soo gaaray qaar ka mid ah Safaaradaha dalka South Africa ee ku yaala Yurub”

Safaaradaha Koonfur Africa ee ilaa hada loo hanjabay ayaa waxaa lagu sheegay mida ku taala wadada Tiergartenstrassee 18 ee caasimada dalka Germany ee Berlin iyo Safaarada ay ku leeyihiin magaalada Brussels ee caasimada dalka Beljemka.

Hanjabaada kiiskaan waxaa dusha laga saaray dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku nool Qaarada Yurub waxaana la sheegay in uu socdo weli baarintaankooda dibna laga sheegi doono dalalka ay ku kala nool yihiin.

2 isbuuc ka hor inta badan Safaaradaha South Africa ku leedahay wadamada Yurub waxaa ka hor dhacay banaanbaxyo balaaran oo looga soo hor jeeday dilalka xun xun ee Soomaalida loogu geesanayo gudaha dalka South Africa.

Hanjabaadaan lagu cabsi galiyay Safaaradaha South Africa ee Yurub ka hoowl gala ayaa waxaa xaqiiqo ah inay hor is istaagi doonto ogolaanshihii fasaxayay in si nabad ah loogu hor banaanbaxo Safaaradaha South Africa ku leedahay dalalka Yurub .

Xafiiska Wararka Salaanmedia.com
Muqdisho-Somalia