Ra’iis Wisaaraha dalka Britain David Cameron ayaa taageeray mowqifkii Barak Obama ee ahaa in la hubeeyo mucaaradka dalka Suuriya

Ra’iis Wisaaraha dalka Boqortooyada Midowday (UK) ayaa shaaciyey Jimicii 14 bishii June in uu taageersanyahay go’aankii uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama ee ahaa in uu Madaxweynaha Dalka Suuriya Bashar Al Assad khadkii casaa (RED LINE) uu dhaafay markii uu isticmaalay hubka kiimikada ah kasoo uu ku riday xoogaga mucaaradka ee ka dagaalama wadankaas Suuriya.

obama-cameron_2167517b

Wuxuu soo jeeday Madaxweyne Barak Obama in uu taageero hub uu siinayo xoogaga ka soo hor jeeda Bashar Al Assad iyada oo bilihii ugu dambeyey Xoogaga Bashar iyo kuwa ka socda Uruurka Xisb-ALLAH ee dalka Lubnaan ay guulo dhinaca dagaalka ka geysteen iyada oo mucaaradku uu ka cabanayey saad iyo qalab la’aan
http://youtu.be/OBUMkSLFQxw

Ra’iis Wisaare Cameron ayaa shaaciyey in ay haatan dalka UK uu xoogaga mucaaradka ku taageero qalabka aan halista lahayn (Non-Lethal) sida dawooyinka iyo gaaddiidka iyo wixii la mid ah balse aanay wax huba ku taageerin mucaaradka; iyada oo saaxada siyaasadda caalamiga ahna laga yaqaano in uu Wasiirka Arrimaha Dibadda wadanka Britain William Hague uu aad ugu ololeeyo reer galbeeddka in la caawiyo xoogaga ka dagaalamaya wadanka Suuriya ee ka soo hor jeeda Bashar Al Assad.

03-06-hcr-syria-refs
Qaxootiga Wadanka Suuriya

Dagaalada ka socda wadanka Suuriya labadii sano ee ugu dambaysay ayaa la qiyaasayaa in ay ku naf beeleen ilaa iyo 93,000 oo qof iyada oo tirada qoxootigana aya kor u dhaaftay 1.5 malyuun oo qof . Iyada oo dhawaan ay Qaramada Midowday ay ugu balan qaaday lacago deeq ah oo barakacyaasha loogu gargaaro.

 

Salaanmedia, UK