Reer Muqdisho oo Magacyo cajiib ah ula baxay Qurba joogta Dalka kusoo qulquleyso. (Akhriso Magacyo cajiib ah).

Reer Muqdisho oo Magacyo cajiib ah ula baxay Qurba joogta Dalka kusoo qulquleyso. (Akhriso Magacyo cajiib ah).

Waxaa muddooyinkaani dambe Magaallada Muqdisho kusoo qul-qulaayay Qurba joog badan oo in mudda ah ka maqnaa Dalka.

Qurba joogta ayaa waxa ay iminka Magaallada Muqdisho kala kulmeen Magacyo badan oo ay isla fahmaan kuwaasoo inta badan u gaar ah Ragga, iyadoona Reer Muqdisho ay ku xantaan marka ay ishu qabato dadkaasi, waxaana kamid ah:-

1- Bidaar laha:- Yacni inta badan waxa ay Qurbaha ku yeesheen Bidaar iyadoona sabab uga dhigay fakirka iyo dhibka.

2- Basayuulka:- Yacni inta badan waxa ay wada xiirtaan madaxa ama timaha iyaga oo qarinaaya Bidaarta ku taalla.

3- Ciroolaha kala xiran:- Waxa ay ula jeedan Ragga ka batay Fakirka iyo murugada ee yeeshay Ciradda amaba ha uga soo baxdo si caadi ah.

4- Kaligii noolaha:- Waxa ay ula jeedan in inta badan Qurba joogta ay dadka iska dhex-saaraan kuna noolaadan meel gaar ah.

Dumarka Qurbajoogta ee Dalka ku laabtay:-

1- Wey jabantahay:- Waxa ay ula jeedan yacni waa gabar is qaad-qaadeyso ama kibirsan, taasoo ah Astaan ay Reer Muqdisho isku fahmaan in gabadhaasi ay tahay qof ka imaaday Qurbaha.

2- Yurubta ayee u dheesha:- Waxa ay ula jeedan waa marwo deegan ku ah Yurubta ama Zeygeeda iyo iyada kuwada nool yihiin Yurub.

3- Kuma fahanto:- Waxa ay ula jeedan Qurbaha ayee ku jabtay oo guur ayee Xamar usoo aaday.

4- Waa Cag-madhigto:- Waxa ay iskula fahmaan inay tahay gabar qurbaha uga imaaday inay Bil ku noolaato Xamar, kadibna wadamo kale horay usii aado, micnuhu ma aha gabar meel ku nool oo aduunka ayee ku dhameysay dal-xiis.

Ugu dambeyntii, Shacbiga Reer Muqdisho ayaa waxa ay Naaniistaasi ula baxeen Qurba joogta rag iyo dumar haba ugu badnaatee Ragga, balse iyagu ma ah kuwa fahma.

Salaanmedia/Mogdisho