Sacad Musa ma awoodi karo inu kala reebo siyaasinta hamiga leh ee beesha waxa awooda leh golaha dhex ee kulmiye ee yaan beesha fidno la dhex dhigin‏

Anigoo  ah muwaadin somalilander kana so jeeda Beelweynta Sacad Musa waxan markale uga digayaa salaadinta, odayaasha, waxgaradka beesha Sacad Muse ee ku hawlan in shir weyne beeshu leedahay ku qabsato tuulada Agabar ee duleedka magaalada Hargeysa.

Sida aynu xogta rasmiga ah ku heyno shirku wuxu noqon doonaa shir siyaasadeed o loogu talo galay in lagu kala furdaameyo siyaasiyin beesha kaso jeeda islamarkan ku hirdameya jagada musharaxnimada xisbiga kulmiye.

Maadaama u shirku yahay shir siyaasadeed xisbi ma khuseyo beesha Sacad Musa iyo salaadinteeda,Waxaan runtii u arka arin ku khaldan salaadinta, odayaasha iyo waxgaradka beeshu in ay faraha la galan shir siyaasadeed oo beesha lagu kala fogeynayo, sidaan aaminsan nahay wa bam la doonayo in beesha dhexdeeda lagu qarxiyo islamarkan ah qorshe uu ka danbeyo xisbiga kulmiye madaxdiisa sare, shirkaasi waxan aaminsanahey in aney wax natiijo ah oo waxku oolihi kasoo bixi dooninaney, waxan aaminsan ahey in beeshu ku kala fogaan doonto oo kalsoonidii beeshu hoos u dhici doonto oo lagu kala fogaan doono.

Shirkani runtii wuxu khuseya oo kala furdaami kara mas’uuliyinta hamiga siyaasadeed leh ee xisbiga kulmiye dhamaantood, golaha dhex ee xisbiga kulmiye iyo gudida khilaafadka ee xisbiga kulmiye maaha mid u yaala beesha Sacad Musa in la kala raabo siyaasiyinta beesha ee hamiga leh waxan aaminsan ahey in aney beeshu awoodaasi laheyn ba, waxan ka codsaneya salaadinta beesha oo an leeyahay yaan lagu milmin siyaasada kulmiye iyo qorsha aha beesha lagu kala fogeynayo. wa shirqool loo soo maleegayo beesha oo la doonayo sidii beeshu u kala furfurmi leyd ama u kala fogaan leyd oo fidno beesha laguso dhex tuureyo oo u ka danbeyo kulmiye.

Waxan talo ahaan leeyahay Salaadinta iyo gudiyada ku hawlan in ay arinkaasi ama shirkaasi ka feejinaada oo beesha isku duubneydeeda iyo wadajirkeeda wax loo dhimi, kulmiye wa siyaasad u burburineyo awooda beesha islamarkan fooda isu galineyo musharxiinta beesha, runtii mas’uuliyadaasi wa mid saaran golaha dhex ee kulmiye ee maaha mas’uuliyad saaran beesha iyo salaadintooda.

Waxan kuso gababgabeynayaa qormadeydan TALADAAN LA RUUGIN WA LAGU RAFAADA, beeshu wey wanaagsan tee yaan fidno iyo dhibaato an jirin lagu abuurin, wa arin u yaala kulmiye maaha inu kulmiye siyaasadiisa uso wareejiyo beesheyda, wa inu xisbigu mushraxiintiisa kala haga oo uu kala furdaamiya.

Guul baan u rajeynaya somaliland iyo dhamaan shacabka somaliland ba

 

Omar Darood Hassan

Norway