Home Wararka Salaad Cali Jeele Oo Sheegay In Ictiraafka Somaliland Beesha Caalamka Ka Doonayso...

Salaad Cali Jeele Oo Sheegay In Ictiraafka Somaliland Beesha Caalamka Ka Doonayso Uu Ka Dhaw Yahay Somaliya

SM-Muqdisho) – Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo ka tirsanaan jiray dawladahii maqaar saarka ahaa ee iskaga kala dambeeyey Somalia ee dawladii Cabdilaahi Yuusuf iyo tii Sheekh Shariif oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo horumarka iyo nabada ay samaysteen shacabka iyo dawladda Somaliland, waxaanu tilmaamay in shaqsi ahaan uu ka mid ahaa ragii kala qaybqaatay halgankii SNM oo ahaa in laga xoreeyo dalkii Somalia la isku odhan jiray Maxamed Siyaad Bare.

Mr Jeele ayaa intaasi ku daray in xiligii Halgankaasi lagu jiray ee uu qaybta ka ahaa aanay SNM u halgamayn oo kaliya Somaliland balse Somalia oo dhan ay ka xorowdo Siyaad Barre, sidaana ay halganka qayb kaga ahaayeen ciidamasiidii Koonfurta u dhashay ee aaminsanaa Halganka. Salaad Cali Jeele ayaa sidaasi ku sheegay Waray uu Khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi “Waxaan qabaa in Somaliland ictiraafka ay caalamaka ka raadinayso ay ku darto mid laga raadiyo shacabka Somalia ee ay wax wada lahayeen, hadii walaaladay shalay aan soo wada halganay oo xornimadii shalay ay keeneen ay maanta la xumaatay in halkii laga sii wado ama lakala noqdo weeyaan, waxaan qabaa in lawada hadlo oo shacabka koonfurta inta run la isu sheego dhinac uun loo dhaco, kama xumin gooni isutaaga Somaliland oo ma odhanayo xaq uma laha, shalayba iyagaa la yimi balse waxaan qabaa in shacabka Somalia aanay wada ahayn dad aan garanan waxaa reer Somaliland tirsanayaan balse haloo maro wadada lagu helaayo waxaa shacabku ay doonayaan oo horta ha lawada hadlo markaasa ama laysu garaabi ama lakala tegi”.

Mr Jeele oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Shalay markaan SNM ku dagalamaynay ee aan ka midka ahayn walaaladay namay odhan waan goosanaynaa aan tiro yaraano dadkayagii ka soo jeeday koonfurata Somalia ee ka midka ahaa SNM balse maanta hanaga qanciyaan oo intay nacasumaan ha yidhaahdaan sidan baan dan moodnay oo arinkaas ha noo soo jeediyaan mahan cid cid qasbi karta adunnka ma jirtee ee horta yaan cidla layska xag xaganine, albaabka wadahadalada shacbka hala furo.Anigu waxaan caan ku ahaa oo laygu yaqanay in aan bixiyo dhiiga oo ilaa 6 jeer ayaan Cusbitaalkii kaydka dhiiga ee Herer ku yaalay aan dhiig ku bixiyey oo lagu dawayn jiray dhaawacyo laga keenay Lebi-Sagaale.”