Sh. Aadan siiro oo Lacag u ballan-qaaday ciddii sheegta kooxaha wax tahriibiya

Sh. Aadan siiro oo Lacag u ballan-qaaday ciddii sheegta kooxaha wax tahriibiya

June 8th, 2013 

Hargeysa, (SM)- Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa shacbiga Somaliland ugu balan-qaaday in cidii soo sheegta shaqsiyaadka carruurta u fududeeya tahriibta uu abaalmarin siin doono si loola dagaalamo dhibatada tahriibka.

Sh. Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa salaadii Jimcaha ee shalay ka dib la hadlay dadkii masaajidka salaadda ku tukaday, waxaanu si wayn uga hadlay dhibaatooyinka, uu tahriibku ku hayo da’yartii dalka oo haddii aan si wada jir ah looga wada hawlgalo ka wacyigelinta dhalinyarada tahriibka ay dhibaatadiisu si guud iyo si gaar ahba inoo wada saamayn doonto.

Sh. Aadan X. Maxmauud (Aadan-siiro) oo shalay salaadii Jimcaha ka dib la hadlayay dadkii masjidka uu ku tukiyay ayaa yidhi “waxaan idiin sheegaya in haddii ay dhalinyaradu sidan ay imika tahay dalkooda uga tahriibaan ay taasi keeni doonto, in dhibaatadu ina wada saamayso. “Sida aad ka war qabtaan wax jira dad arrinta tahriibinta dhalinyarada ku shaqaysata oo u fududeeya in ay ku dhiirigeliyaan ama ku xidha dad kale, oo iyaguna jooga wadamada ay sii maraan, carruurtaasi oo aad ogtihiin inta maanta ilmo lagu laayay.” ayuu yidhi Sh. Aadan Siiro oo waxa uu ku wargaliyay dadkii masjidka ku sugnaa iyo guud ahaan shacbiga Somaliland inuu ballan-qaadayo in cidii keenta war ama macluumaad sax ah oo ku saabsan dadka, ku hawlan ama ka shaqeeya tahriibinta dhalinyarada ee arrimahaas gacmaha kula jira uu siin doono abaal marin loogu magic-daro la dagaalanka tahriibka.

Waxa kale oo uu Sh. Aadan Siiro shacbiga reer Somaliand u soo jeediyay inay carruurtooda ka wacyigeliyaan tahriibka oo imika ay aad u adag tahay inay dad qaataan dalalkii markii hore loo tahriibi jiray oo guud ahaan wax iska bedeleen intii ka dambaysay qaxoontiga dalalka Carabta oo meel kasta buux dhaafiyay.

Salaanmedia/Hargeysa