Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haruun oo xalay muxaadaro u jeediyey ardayda jaamacada

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Harun Oo Xalay Muxaadiro Diini Ah U Jeediyey Ardayda Jaamacada Admas Ee Hargeysa

Hargeysa(SM)  June20, 2013 Sheekh  Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo mid ah culimada wawayn ee reer somaliland ayaa xalay muxaadiro diini ah oo ciwaankeedu ahaa{Liibaanta Nolosha} u jeediyey Ardayda Jaamacada Admas ee magalada Hargeysa.

Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun waxa uu kaga hadlay khudbaddiisii loogu macag daray “Liibaanta Nolosha” wacdi khuseeya guusha nolosha iyo abaal-marinta qofka Islaamku ka heli karo Ilaahay agtiisa xasannaadka uu shaqaysto mudada yar ee adduunka joogo.  Waa maxay noloshu, yaase guushu agtiisa ahaatay, waakan Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun oo tilmaamo ka bixinaya qofka guulaysta abaalkiisa iyo natiijada guul-daraddu leedahay.

“Nolosha haddii aad fahmi kari weydo inta ay leegtahay, qiyaaskaad ku qiimaynaysayna wuu qaldamayaa. Ilaahay SWTC dadka Muslimiinta ee diintan [Islaamka] rumeeyay ee loo soo dejiyay waxa uu siiyay miisaan ay wax ku qiimayn karaan; miisaal uu qofku garan karo goormuu guulaystay, goormuu khasaaray miisaalkaas [tusaalahaas] Ilaahay SW  quraanka wuxuu ku tilmaamayaa Laba aayadood oo Suuratal Baqara ku jira Noloshu inaanay adduunkan oo qudha ahayn lixdanak sano amma todobaatanka sanno ee aad adduunka joogto, waxaase markasta Ilaahay tilmaamayaa noloshu inay gebogebaysmayso” Naf waliba geerida way dhadhaminaysaa” Waxaa laydiin dhammaystirayaa adduunyada guullo yar yar inaad gaadho, laakiin marka cimrigaaga la eego noloshu waxay noqonaysaa wax aan gebogebaysmayn marka dib laysu soo saaro, markaa 60-ka sanno ee adduunyada iyo guushu wax la sheego maaha, lama tilmaamin guulaha yar yar ee bini?aadamku gaadho, waayo waad ka tegaysaa, Ilaahayna wuxuu yidhi, “Waxaa laydiin dhammaystirayaa waxaad shaqaysateen”.

Qofku markuu juhdi bixiyo, maskax, itaal, hanti iyo wakhti natiijuu sugayaa, waxaad dedaal bixisay inaad natiijo hesho, “Nolol dambaa jirta oo laysu dhammaystirayo.?ayuu Ilaahay yidhi.

Hadaba, waa maxay Guusha noloshu,  qofka naarta laga fogeeyo ee janno la geliyo, kaasaa guulaystay ayuu Ilaahay SWTC leeyahay. Halbeegaasi wuxuu yahay aakhiro ma guulaysatay ma ehlu naarkaad ku biiraysaa mise ehlu jannada?haddaad ehlu naarka ku biirto waad khasaartay.

Inkasta oo Munaasibaddan waqtigeedu iska koobnaa haddana waxa ay ahayd mid dhadhan iyo qiimo gaar ah u lahayd  ardaydii madashaas nasiibka u heshay oo tiro xoogan ku dhagaysanaayay Muxaadara Sheekha iyo dadwaynihii kale ee iyaguna ka soo qayb galay iyada oo sidii looga bartay Sh. Mustafe X. Ismaaciil uu isticmaalay codkarnimadii Ilaahay hibada u siiyay, miisaanka hadalkiisuna dareen gaar ah ku lahaa qof walba oo dhagaysanaayay.

Waxa ay daba socotay Muxaadaradani  fulinta balanqaadyadii maamulka Jaamacadda Admas ee magaalada Hargaysa uu bulshada iyo ardaydaba ugu baaqay in ay joogtayn doonaan Wacdiyada iyo Khudbadaha sida gaarka ah loo danaynayo si ay uga faa?iidaystaan ardayda Jaamacadda wax ka barata iyo Bulsha waynta kaleba.

Xigasho Ramaas