Shirwaynahii beesha Ciidagale Weyne (BARKHADLE1) ee UK oo Go’aamo laga soo saaray.

5861_10201271729536767_1978662260_n

London 09Jun13(SM)waxa maanta si rasmiya uga furmay caasimada wadanka Uk ee London shir baladhan oo loogu magac daray Barkhad I (barkhad1) oo ay soo qaban qabiyeen Beel Weynta Ciidagale ee ku dhaqan UK oo ka kala yimid dhamaan Gobolada uu ka kooban yahay wadankan Uk shirkan oo gogol xaadh u noqonaya shirwaynaha Beesha Ciidagale ee wadanka gudahiisa ka qabsoomaya dhawaana uu looguna magac daray Barkhad II (barkhad2) Islamarkaana uu si wada jira u  Iclaamiyay Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland ahna suldaanka Beel Weynta Ciidagale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo gudiga Ciidagale.

946417_10201271732616844_134748418_n

Waxa ugu horeyn lagu furay Aayaadaha Quraanka Kariimka ,Ka dibna waxa ugu horayn shirka hadalkiisa ku furay Oday Maxamed Jamac Xujaale (Aabi) oo ka hadlay Midnimada iyo wadajirka beesha iyo wax wada qabsiga isaga oo ka hadlay tariikhdii soo jireenka ee beesha taas oo aad iyo aad looga mahad celiyey sida wanagsan ee u dhiira galiyey dhalinyarada maanta joogta oo iyagu ah hogaanka barito ee beesha iyo dhamaanba qaranka Jam-Somaliland.

Waxa isna warbaxin dheer ka bixiyey Gudoomiyaha Garoodi Mudane Deeq Cabdi Digaale oo isna ka hadlay wax qabadkii ururka iyo mudadii uu jiray waxii u qabsoomay ,waxa iyana goobta ka hadashay Gudoomiye ku xigeenka Garabka Haweenka Garoodi Marwo Asiya oo iyana ka hadashay wax qabadkii Ururka iyo furitaankii Dhakhtarka Haweenka salaxlley oo si rasmiya loo furay Maanta isaga oo lagu wareejiyey laba Ambulance taas oo farxad galisay shacabwaynihii ka soo qayb galay shirkan.waxa isna ka waramay Guudomiyaha Gudida beesha ciidagale ee Uk Mr Abokor oo ka waramay wax qabadkii gudida oo mudadii ay jirtay waxay ku talaabsadeen iyo mudada ay ku egtahay gudidani .waxa iyana goobta lagaga dhaawaqay urur beeshu ledahay oo dhalinyara oo la magac Baxay (Gacan-qabad) oo u fududaynaya gudiga beesha Ciidagale isku xirka beesha ee Uk iyo ka qayb qadashada samafalka sida dhismaha wadada cad iyo waxii horumarka beesha ka cawinaysa taas oo goobtii looga yaboohay qadhaan oo isla markiiba halka lagu soo ururiyey qadhaankaas kaas oo garaya 25,500kun oo dollarka Marykanka taas oo qayb ka ah dhismaha wadda cad  balantii  uu soo qaday Maxamed Yusuf Diir qadhadh.

Gabagabadii shirka ayaa waxa uu ku dhamaaday jawi aad u qurux badan iyo is afgarad, waxaana kasoo baxay saddex qodob oo muhiim ah gundhigna u ahaa shirka saddexdan qodob ayaa kala ahaa 1) In la Tageero shirka Barkhad 2 oo ka dhici doona wadanka gudahiis, 2)in midnimada iyo jiritaanka somaliland ay tahay muqadas lama taabtaan ah , 3) iyo in si wada jira looga qayb galo wax qabadka beesha iyo horumarka. ka dib qodobadaasi ayaa waxa lagu soo gunaanaday duco iyo aayado quraan ah.

Naasir Maxamed

Salaanmedia/London