SIYAASIYIINTA reer Puntland oo Qatar ku ah Himilooyinka Umadda Soomaaliyeed

Maxamed Ibraahim – Soomalidu waxa ay tiraahdaa Nimaan Runta sheegin beenbaa u qarsoon oo macnaheedu yahay Immaa inaad run sheegto iyo wa immaa inaad been sheegto, sidaa daraadeed waxaan rabaa inaan Maqaalkan kaga hadlo waxyaabo badan oo awal hore aan ka war wareegan jiray balse aan hadda ku qasbanahay inaan ka hadalo ka dib markii uu xaalku gaaray meel halis ah.

6

Labaatan sano oo burbur,baaba’ iyo dagaalo sokeeyo oo galaaftay nolosha kumanaan kun oo Soomaaliyeed oo aan wax danbi ah gelin kuwaas oo sabab saday khaladaad ay galeen Siyaasiyiin Soomaali ah ayaa haatan waxaa la soo gaaray waqtigii runta laga sheegi lahaa wax walbo fartana lagu fiiqi lahaa fitno walayaasha iyo kuwa  cadow kalkaalka ah.

Walaalayaal waxaa igu qasbay inaan maqaalkan qoro ka dib markii aan arkay lana yaabay habdhaqanka dal dumiska ah ee ay ku can baxeen Siyaasiyinta ka soo jeedda Puntland iyo kuwa taageeroba kuwaas oo fadhiya goob kasta oo Soomaali lagu dhibaateynayo Iyagoo Qatar ku ah himilada Umadda Soomaaliyeed iyo jiritaankeeda, waxa ayna noqdeen gacmaha uu Cadowga ku burburiyo Wadanka, Marka aan leeyahay Puntland kama wado Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaasi ee waxa aan ka hadlayo waa Siyaasiyiinta iyo kuwa taageera.

Waxa taariikhda loo soo guuriyo  waa lil cibra iyo in wax lagu qiimeeyo sidaa daraadeed anigoo wax ku saleynayo taariikhdaasi iyo dhacdooyinkii la soo maray 40 kii sono ee la soo dhaafay,Siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaanada Puntland waxa ay fureen albaabo aysan furin cid aan Iyaga ahayn,kumana soo koobi karo hal maqaal oo kaliya dhibaatooyinka ay Nimankaasi u geysteen Umadda Soomaaliyeed laakiin waxa aan isku dayi doonaa  inaan xuso qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu xanuunka badnaa.

Ninkii ugu horeeyey oo bilaaba mucaarad hubeysan Isagoo kaashanayo Itoobiya Dowladii Soomaaliyeed oo jirta waxa uu ahaa Nin reer Puntland ah waxa uuna Ninkaasi furay albaab  aan la furin Isaga ka hor laakiin markii danbe iska noqday albaab ay galeen Siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta reer Puntland waxa ay qeyb weyn ku lahaayeen kacdoonadii lagu riday Dowladdii Soomaaliyeed Iyaga oo damacoodu ahaa iney wax xukmaan laakiin waxa ay Umaddii ku tuuray god dheer iyo dagaalo sokeeyo oo galaaftay nolosha kumanaan kun oo abriyaa ah (innocent) Sidoo kale waxa ay mar kale qeyb weyn ku lahaayeen fashilintii Dowladdii Cabdi Qaasin Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Jabuuti Iyagoo kaashanayo dagaal oogayaal ay carbisay Itoobiya.

Mar kale waxa ay Siyaasiyiinta reer Puntland Iyagoo kaashanayo Siyaasiyiin jaal la ah Iyaga Xiligii Embagaati u ololeeyeen in Ciidamada Itoobiya la keeno Wadanka Iyadoo marmarsiiyo laga dhiganaayey Maxaakiimtii oo markaasi aan ka fogeyn Magaalada Baydhabo,Waxa ayna gaba gabadii ku guuleysteen in markii ugu horeysey taariikhda ay Ciidan Itoobiyaan ah ay cagtooda soo dhigaan Magaalada Muqdisho iyo Xarumhihii Dowladda ee ay ugu horeeyaan Madaxtooyada iyo Wasaaradii Gaashaandhiga (taariikh madow iga dheh).

Khatarta ka imaaneysa Nimankan kuma koobna inta aan soo sheegay oo kaliya ee waxa ay mar kale taageero aan caadi ahayn siiyeen Ciidamadii Kenya ee sida sharci darada ah ku soo galay Wadanka,kuwaas oo gobood falo badan ka geystay wadanka ilaa iminna wado gobood faladaasi,Waxa iigu yaab badneyd markii Madaxweyne Shariif oo ahaa Madaxweynihii Wadanka uu diiday faragelinta Kenya ay ku sameysey Soomaaliya balse waxaa isla markiiba ka dabaqaatay canaanna dhagaha u saaray Raysul Wasaarihiisa oo ahaa Nin reer Puntland Isagoo gacmo furan ku soo dhaweeyey Ciidamadii sharci darada ku soo galay wadanka.

Marka ay timaada Nidaamka Federaalka ah iyo Dastuurka Dowladda Federaalka ay leedahay waxaa ku far yaraystay waa Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland, Iyagoo adegsanayo Dowlado cadow ku ah Soomaaliya, Waxa ayna ku qasbeen Soomaalidii kale ina laaqto Nidaamka Federaalka Iyadoo la og yahay in Umadda Soomaaliyeed ay tahay Umadda isku mid ah oo aan u baahneyn federaal iyo wax la mid ah balse looga faa’iideystay waqtiga adag ee ay ku jirto.

Damaca Siyaasiyiinta reer Puntland ee ku salaysan Cad yahow ku cunay ama ku ciideeyey waxa uu Qatar ku yahay jiritaanka Umadda Soomaaliyeed hadaanan looga hortagin,Waxa ay Nimankani isku darsadeen Shisheeye jaceel iyo wadaniyad xumo waana asbaabta keeneysa inay Qatar ku yihiin Umadda, Waxaana iyagana aan ka liidan taageerayaashooda ku nool Qurbaha oo har iyo habeenba ka shaqeynayo qabyaalad iyo quran.

Waxaana tusaale inoogu dhibaatooyinkii ay ku hayeen Xukuumaddi Farmaayo Iyagoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii loo ridi lahaa Xukuumaddaasi waxa ayna manta mar kale caqabad ku yihiin Dowladda hadda jirta waxaana marag madoonta ah dhibaatooyinka ay ka wadaan Jubooyinka, waxyaabaha iigu yaabka badan waxaa ka mida sida ay isugu xireen deegaano aan shuqul isku lahayn sida Kililka 5aad iyo Waqooyi Barri Kenya Iyagoo rabo in ay meesha ka dhisaan Maamulo hoostago Itoobiya iyo Kenya, Waxaa intaasi u dheer sida ay u xaglo daacinayaan Dowladda dhexe ooxitaa ay ku dacweeyeen Dowladaha Caalamka.

Gaba gabadii waxa aan u soo jeedinayaa Umadda Soomaaliyeed dhowr qodob oo aan is leeyahay waxa uu badbaadin karaa Wadanka.

 

  1. In laga ilaaliyo Nimankan Sedexda Xil ee Wadanka ugu sareeyo waddo kastaaba haloo maro.
  2. In la xoojiyaa Dowladda Dhexe sida ugu dhaqsiyaha badan
  3. In la fashilayaa Mashruuca Jubaland ee ay gadaal ka riixayaan.
  4. In Dastuurka laga saara dhamaan qodobada u khidmayn kara mashruucooda.
  5. In Umaddu iska kaashato ka hortagga damaca xun ee Nimankan.

W/Q:  Maxamed Ibraahim – Greatman33@hotmail.com