Somaliland Oo Dalka Ka Mabnuucday Xafiiska Qaramada Midoobay Ee UNSOM, Ka Dib Kulan Dhex Maray Madaxwayne Siilaanyo Iyo Nicholas-ka

Somaliland Oo Dalka Ka Mabnuucday Xafiiska Qaramada Midoobay Ee UNSOM, Ka Dib Kulan Dhex Maray Madaxwayne Siilaanyo Iyo Nicholas-ka

June 13,2013 Hargaysa(SM) Dawladda Somaliland, ayaa dalkeeda ka mabnuucday inuu ka shaqeeya xafiiska UNSOM ee uu madaxda ka yahay ergayga xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland Mr Nicholas-kay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aanka ku dhawaaqday goo-dhawayd ka dib markii ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya oo maanta Hargeysa yimid uu Caawa Qasriga Madaxtooyada shir kula yeeshay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Kulankaasi ka dib ayaa wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shir-jaraa’id ku qabtay qasriga Madaxtooyadu kaga dhawaaqay go’aanka ay ka qaateen xafiiska UNSOM, waxaanu yidhi “Xukuumad ahaan markii aanu derisnay shaqada xafiiska UNSOM ee lagu badalay UNPOS inay tahay laba nooc, mid waa shaqadii ay wadi jireen xafiisyada qaramada midoobay ee bani-aadaminimada sida UNDP, WFP iyo hay’addaha kale ee mucaawinooyinka iyo qayb siyaasad ah oo gabigeeduba ku wajahan sidii loo dhisi lahaa ama loo caawin lahaa dawladda cusub ee Somaliya, haddii ay tahay dastuurkooda oo dib u eegis nagu sameeyo, xagga dhisida amniga iyo xagga siyaasada, markaa waxaanu xukuumad ahaan go’aansanay inaanu qaramada midoobay kala shaqeyno wax alaale iyo wixii xagga horumarka ah ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo sharciga Somaliland kala shaqeeya inaanu la shaqeyntooda sii wadno, laakiin xafiiska UNSOM ujeedadiisa ugu weyni waa mid balaadhinaysa mashruuca dawladda Federaalka ee jirta, markaa maadaama oo Somaliland tahay dal madax-banaan, Somaliyana aanu u aragno dal aanu jaar nahay oo aanu bari hore kala baxnay, waxaanu u arkaynaa inay arintaasi dastuurka Somaliland ka hor imanaya, sidaa daraadeed waxaanu go’aansanay inaanu xafiiska UNSOM aanu Somaliland ka shaqeynin, sidaana waanu ku wargalinay ergayga gaarka ah ee maanta Somaliland yimid, go’aankaana waxaanu qaadanay markii aanu aragnay in arintaasi

iaaanay ka turjumayn baahida dalka”

salaanmedia/Hargaysa