Soo Dhawaynta Pro.Axmed Ismacil Samatar Oo Meeqaam Sare Oo Soo Dhawayn Ah Loo Diyaariyay

 

Hargeysa(SM)  Xukuumadda Somaliland ayaa guddi heer qaran ah u saartay soo dhaweynta Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan u dhashay Somaliland oo lagu wado in uu dalka yimaado maalinta Axada ah ee todobaadkan.

 

sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka baddaha ee Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo ka mid ah guddida ay xukuumadu u saartay soo dhawaynta Prof. Samatar, oo xalay telefoonka war kooban oo arrintaasi la xidhiidha ku siiyay.

 

 

Wasiir Geeljire waxa uu sheegay in ay jiraan guddi aqoonyahano ah oo isku xil saaray soo dhawaynta aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar isla markaana ay wada shaqaynayaan guddidasi is xilqaantay iyo guddida ay xukuumadu u xilsaartay. “Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu dalka imanayaa maalinta Axada ee 2-da bishan June, waxaanu ka soo degaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, iyada oo xukuumada Somaliland na ugu talogashay inay ku soo dhawayso baratagool iyo hab maamuus sare, maadaama oo ay xukuumadu casuuntay.

 

waxa kale oo jirta guddi aqoonyahano ah oo isku xilsaaray soo dhawaynta Prof. Samatar kuwaasi oo istiikaro iyo boodhadh lagu soo dhawaynayo ku dhejiyay shaarciyada caasimada” ayuu yidhi wasiir Geel jire. C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxa kale oo uu tilmaamay in Prof. Samater marka uu ka soo dego magaalada Berbera diyaarad lagaga soo qaadi doono, taasi oo keeni doonta Hargeysa isla markaana uu isagu xubin ka yahay guddida ay xukuumadu u saartay soo dhawayntiisa, waxaanu yidhi “anigu waxan ka mid ahay xubnaha guddida ah ee ay xukuumadu u xilsaartay soo dhawaynta oo la shaqaynaya guddida aqoonyahamiinta ah ee is xilqaamay.

waxaa laga yaabaa in diyaarad kale lagaga soo qaado Berbera, taasi oo keeni doonta magaalada Hargeysa”. Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo ah aqoonyahan u dhashay Somaliland muddana ku noolaa dalka Maraykanka, kana mid ahaa dadka u dhashay Somaliland bal se muddo dheer ka soo horjeeday qadiyada iyo gooni isku taaga Somaliland isla markaana u ololayn jiray qadiyada Soomaali wayn. Sidoo kale Prof. Samater ayaa ka mid ahaa xubnihii isku sharaxay jagada Madaxweynimo ee doorashadii magaalada Muqdisho ay baarlamaanka Soomaaliya ku dooranayeen madaxwaynaha Soomaaliya bishii August ee sanadkii hore, inkasta oo uu ku guuldaraystay tartankaasi bal se ka mid noqday xunaha baarlamaanka dawlada Muqdisho.

 

Inkasta oo Prof. Samater uu muddo dheer ka mid ahaa aqoonyahamiinta qurba jooga ah ee u dhashay Somaliland ee diidanaa gooni isku taaga Somaliland, ayaa waxa uu shaaciyay in aanay wax suurtogalaya ahayn midnimo danbe oo Soomaaliyeed, ka dib markii uu mudo bilo ah oo uu ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ku ogaaday xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta koonfurta Soomaaliya iyo sida aanay waxba ugu oolin siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee ka mid ka ah dawlada Soomaaliya.

 

Waxa kale oo uu Prof. Samater dhawaan sheegay in uu iska casilay xubnimadii baarlamaanka Soomaaliya isaga oo joogay xiligaasi dalka Maraykanka, waxaanu qiray wixii ka danbeeyay muddadaasi gooni isku taaga iyo qaranimada Somaliland iyo sidoo kale hanaanka dimuqraadiyada iyo horumarka kala duwan ee ay Somaliland ku talaabsatay muddada ay jirtay.
Isku soo wada duuboo soo dhawaynta Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee Somalialnd gaar ahaana caasimada Hargeysa, iyada oo boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo lagu soo dhawaynayo lagu dhejiyay shaarciyada caasimadda.

 

salaanmedia/Hargaysa