Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Tahriib Siyaasi …By:Prof….Cabdisalaam Yasiin

 

Xilligan aynu joogno, erayga “tahriib” waa eray afkeena aad ugu jira. Haddi aynu eraygaasi asal raacno, waa eray af Carabiya oo falkiisu yahay ‘haraba” oo la macna “wuu cararay”. “Tahriib” waa magac macnihiisu yahay “la-carar” la-carar waxaan sharci ahyn.

Weli eray “tahriib” la macna ah af Soomaaliga umaynaan samayn; oo eraybixinteena koraysa ayuu sugaa. Imika erayga “tahriib” la midka ah ee aynu adeegsanaa waa “kootarbaan” oo ka yimi “counter bound” oo af Ingiriis ah. Waxa kale oo af Ingiriisiga dhowaan ku soo kordhay erya la macna ah “tahriib”: waa erayga “trafficking “, oo  guud ahaan ah gancsi sharci daro loo wado, ay kana hoos baxday “human trafficking” oo dadka la “tahriibinayo”, oo guud ahaan aduunka noqotay ganacsi weyn. Ka dib markaynu guud ahaan macnaynay erayga “tahriib”, haddii aynu gaar ahaan ku soo noqona erayga “tahriib siyaasi”, macnaheedu wuxu noqonayaa “siyaasad lala carary” oo meel aan dalkeedii ahayn lala qabtay.Waa wax la yaab leh in dal siyaasadiisii dalal kale loola cararo. Arrintaasi se waxay ka socotaa Somaliland. Madaxda Somaliland, haddii ay tahay madaxda xukuumadda iyo haddii ay tahay madaxda xisbiyada, waxay inta badan ku suganyihiin dalka debediisa, halkaas oo ama ka ololaynayaan, ama ka xafladaynayaan, ama fasax ku joogaan.

Madaxdeenu Inay magaalooyinka iyo tuulooyinka Somaliland ka ololeeyaan, ama ka xafladeeyaan, ama fasax u tagaan waxay ka door bideen inay Urub iyo Marykan u kacaan. Taasina waa “tahriib siyaasi”. Waa siyaasaddii Somaliland oo “kootarbaan” ah oo loola baxsaday dalal hodan ah oo dhismay, iyo qurubojooga u qaxay ee ladan; halka lagala cararayo dalka aan dhisnayn ee saboolka ah, ama saboolnimo uu ka bixi karayo lagu eegayo, iyo dadkiisnan baahan ee masaakiinta ah.

Bal mar doorasho lagu jiro ama dhib mee ka dhacday la maaraynayo mooyaane, ma la arkay madaxdeenna oo dalkan iyo dadakan ay u talinayan ku dhex wareegaya, oo magaalooyinka iyo tuulooyinka marayo; ama u fasax qaadanaya; ama ka dhex xafladaynaya?

Jawaabta waa maya. Sababtuna waxa weeya iyada oo nolosha dhabta ah ee dalkeena taalaa adagtahay; madaxada iyo siyaasiyiintuna aanay u badheedhi karayn inay foodda saaraan: horumar la’aanta, wada la’aanta, biyo la’aanta, iyo laydh la’aanta dalka iyo dadka haysata..

 Sidaa darted waxa u fudud inay “tahriib siyaasi” galaan; oo qurbajooga ka dhex ololeeyaan ama Urub iyo Maraykan u fasax qaataan.Waxa ayaan daro ah inaynu dalkeenii qurbaha ka door bidno.

Waxa ayaan daro ah in siyaasiyiinttenu la qabsan waayaan oo ka cararaan “ka tahriibaan” nolosha adag ee ay dadkeenu ku noolyihiin . Waxa ayaan daro ah in qurbajooga, qaar masaariif ku haysta qurbaha, dalka u soo madaxnimo doontaan ama soo shaqo tagaan, haddii ay dheef ka helaanna ay dalka ka cararaan ama “ka tahriibaan” oo qurbihii kula noqdaan. Haddii ay tahay dhalinteen lama degaanada iyo badaha u babac dhigaya, iyo haddii ay tahay siyaasiyiinteena qurbaha gaaf wareegaya, waxa ayaan daro ah inaynu u yaacno ama u “tahriibno” dalal dadkii lahaa gacmahood ku dhisteen oo horumariyeen; keenina ka yaacno ama ka “tahriibno” dalkeenan horumarka u baahan iyo dadkiisan daryeelka u baahan.

 

 

 Prof. Cabdisalaam Yaasiin




Leave a Reply