“UNSOM Waxa Xukuumaddu ka Qaaday Tallaabadii Ku Haboonayd, Maadaama oo ay Tixgelin Waayeen Qaranimadeena”

“UNSOM Waxa Xukuumaddu ka Qaaday Tallaabadii Ku Haboonayd, Maadaama oo ay Tixgelin Waayeen Qaranimadeena”

 

“UNSOM Waxa Xukuumaddu ka Qaaday Tallaabadii Ku Haboonayd, Maadaama oo ay Tixgelin Waayeen Qaranimadeena”

“Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Waxay Qababtay Qodobo Badan Oo Aan Laga Dafiri karin Oo Arrimaha Bulshadda Ku Saabsan”

“Xaq Baan u leeyahay Inaan Hoggaanka Xisbiga KULMIYE isu sharaxo, Waayo Waxaan Ahaa”

Finland (THN)- Guddoomiyihii hore ee Wakaaladda Qurbo-jooga Somaliland Mudane Saleebaan Maxamed Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda sadex jirka ah ee Madaxweyne Siilaanyo ay fulisay waxqabad badan oo ka mid ahaa balan-qaadyadii xisbigaasi ku qoray buugiisii barnaamij siyaasadeedkii ay ku galeen olalihii doorashadii madaxtooyadda.

Md. Saleebaan Maxamed Faarax waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha siyaasadda dibadda Somaliland, talaabadii xukuumaddu ka qaadatay xafiis siyaasadeedka UNSOM iyo hankiisa siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE oo uu doonayo inuu isu soo taago mid ka mid ah kuraasida Hoggaanka xisbiga talladda haya.

Guddoomiyihii hore ee Wakaaladda Qurbo-jooga Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu maanta khadka Telefoonka ku siiyay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, isagoo ku sugan dalka Finland oo uu degan yahay.

Waraysigaasina isagoo dhamaystiran wuxuu u dhacay sidan:-

S: Ugu Horayn, waxaad warbixin naga siisaa xaaladda xisbiga KULMIYE ee wadanka Finland ee aad ku nooshahay madaxna ka ahayd, waxa la yidhaahdaa sidii KULMIYE uu u noqday xisbul xaakamka waxa ka kala furtay doorkii iyo kaalintii ay qurbo joogtu xisbiga ku taageeri jirtay?

Bismillah laanta Kulmiye ee Finland runtii waa laan ka mid laamaha Xisbiga ee dibedda. Waxaanan odhan karaa Kulmiye laantiisa Finland waxy ka mid ahayd laamihii doorka fiican ka soo qaatay dhistaanka Xisbiga Kulmiye waqtigii mucaaradka. Welina xisbiga laantiisu way dhisan tahay guddi baana jira laantu xisbiga leeyahay oo aanu kal xidhiidhno wixii Xisbigayaga ku saabsan.

S: Sadex sano oo wax yar la’ ayuu xisbigiina KULMIYE Tallada dalka hayaa, maxaad is leedahay way qabsoomeen, maxaanse aan u hirgelin xukuumadda ka dhalatay xisbigiina?

Dawladda uu hoggaaminayo xisbiga Kulmiye waxay ku tallaabsatay waxqabad doora iyo horumar aan filayo inaanu cidna ka qarsoonayn. Xisbiga Kulmiye wuxuu ka dhabeeyay oo hirgeliyay inta badan ballan-qaadadii ugu waaweynaa ama ugu muhiimsanaa ee taabanayay nolosha bulshada iyo dadka rayidka ah boqolkiiba intooda badan.

Waxa xusid mudan in 100% shaqaalaha qaranka loo kordhiyay mushaharka ay qaataan, waxana la shaqaalaysiiyay tiro badan oo ka mid ah dhalinyarada dalka wax ku bartay iyo aqoonyahanka kaleba ee muwaadiniinta ah, waxa si weyn looga shaqeeyay horumarinta waxbarashada oo runtii aan odhan karo xagga shaqaalaha waxaa laban laab inku dhaw lagu kordhiyay macalimiinta waxka dhiga dugsiyada dalka oo dhan, waana laga daayay lacagtii ardayda laga qaadi jiray dugsiyada dhexe ee dalka taasoo la qabtay markii ugu markii ugu horraysay taariikhda dalka Somaliland.

waxa xukuumaddu dhistay oo dayactir iyo dhisme cusubba ku samaysay boqolkiiba intooda badan dhammaan xarumaha hay’adaha dadweynaha u shaqeeya oo runtii noqday wax ka turjumaya waxqabadka dawladda oo muujiyay quruxdii iyo bilicdii caasimadda dalka tusaale, waxa markii u horraysay taariikhda Somaliland la bixiyay darjooyinka ciidamada qaranka JSL, waxa la dardargeliyay dhismaha iyo dayactirka waddooyinka caasimadda iyo kuwa isku xidhaya magaalooyinka dalka.

Waxaa la dhisay oo la casriyeeyey sidaynu la socono madaaradda dalka kuwoodii ugu waaweynaa oo ah Hargeysa iyo Berbera inkasta oo uu socdo casriyayntii Madaarka Hargeysa. Waxaad kale oo ka warqabtaan in xukuumadan uu gadh-wadeenka ka yahay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mudaddii ay taladda qaranka haysay in la ansixiyey xeerarkii ugu badnaa taaiikhda Somaliland oo weliba si sharaf leh kaga gudbay golayaasha sharcidejinta iyo xukuumadda oo ah fulinta si aan isqabqabsi lahayn.

Waa markii ugu horeysaysay intii xukuuumadani jirtay ee khayraadka macdanta laga baadho dalka taas oo aynu la wada socono inay meel fiican marayso.

Waxaynu kale oo la soconaa xukuumadani fulisay mashruuca dhiirigelinta gancsiga xorta ah ee World bank-ku maalgeliyey oo ah siyaasadda dhiirigelinta gancsiga gaarka ah ee xagga beeraha, kalummaysiga iyo xoolahaba. Waynu la soconaa in la sameeyey miisaaniyaddii ugu badanayd ee abid la sameeyo taariikhda Somaliland taasna waxaa hiregeliyey xukuumaddan taladda haysa ee Kulmiye.

Markaan soo koobo xukuumadda hadda jirtaa waxaan odhan waxyaabaha ay qabatay ama u qabsoomay mudaddaa sadexda sano ee ay taladda dalka haysay runtii maaha wax halkan lagu soo koobi karo waana wax taariikhda gelaya oo aan layska indho tiri karin haday noqoto arrimaha bulshadda, nadgelyadda, dhaqalaha iyo Siyaadaba.

S Sidee ayaad u aragtaa heshiiskii xukuumadda iyo urur siyaasadeedkii hadhay ee XAQSOOR, maxaase uu ku soo kordhin karaa haddii ay idin ku soo biiraan?

Horta wali lama soo bandhigin qodobada lagu heshiiyay sidii aan arkayay habeenkii dhawayd laakiin waxaan u arkaa tallaabo habboon oo xukuumaddui qaaday qancinta iyo dawaynta tabashada dadka ay matasho ee Somaliland iyo in is maqalka iyo isu tanaasulku uu yahay mid ay Somaliland ku soo caano maashay. Waana mid ka mid ah baan odhan karaa dhaqanadda wanaagsan ee lagu yaqaano Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markay timaado arrimahan oo kale inuu in uu aalaaba noqdo qofka koowaad ee badhitaara arrimaha heshiisyadda noocan oo kale ah. Haa way soo kordhinayaan oo waxay soo kordhay waxa weeye in dad muwaadiniin ah oo mujaahidiintii dalka usoo halgamay ah oo markii hore wax tabanayay ama dhaliilsanaa ay maanta qanacsanyihiin oo raalli ku yihiin heshiiskaas.

S: Xukuumadda waxa lagu dhaliilaa inaanay wax badan ka qaban mushkiladii Tahriibka oo noqotay aafo bulshadda la fal-gashay? Maxaad arrintaasi kaga jawaabaysaa?

Tahriibtu waa mushkilad jirta wakhti dheer immikana soo badatay. Horta marka hore dhibaatada tahriibtu waa mid caalami ah oo dunidii oo dhan ayaa sidan isugu socota oo isu guuraysa oo xataa dalalkan Yurub ayuu geedigu ka dhacayaa oo maalin walba ay jiraan dad wadan ka guurayaa oo wadan kale u guuraya.

Markaa sababta aadka loogu dareemay waxa weeye arrintan oo casriyawday Afrika oo dhan oo shabakado aan odhan karo waa kuwo dadka xadaya oo soo baxay.

Horta qof isugu doonaya inuu is dilo cidina ma badbaadin karto, waxanan kuu sheegayaa waxay u badanyihiin dhalinyarada tahriibaa inta bulshada ugu ladan, waxaana khaladkaas ku raaca waalidkood oo hadday waxkale u waayaan baloodhada u iibinaya taasoo ah wax dhiirrigelinaya dhalinyarada inay tahriibaan. Markaa horta xukuumaddu immika way usoo jeedaa iyo hadh iyo habeen si weyn ayaa isha loogu hayaa wadada looga baxo Ethiopa iyo laamaha socdaalka oo dhan sidaan xogta ku helno, waxaynu kaloo la soconaa in xukuumaddu kala hadashay arrintan dawladda Ethiopia oo ahayd albaabka ugu weyn ee ay ka baxaan ama sii maraan dhalinyarada tabriibaysaa inay kala shaqayso Somaliland.

S:Waxa jirta inaad doonayso inaad mid ka mid ah Mansabadda Hoggaanka xisbiga KULMIYE isu soo sharaxdo, arrintaasi ma jirtaa?

Way jirtay inaan mar sidaas shaaciyay, in aan u sharaxanahay Xoghaya Guud ee Xisbiga Kulmiye dabcan haa, waa mid aan xaq u leeyahay ka muwaadin iyo xisbi ahaanba – run ahaantii way jireen marar badan oo aan heli karayay fursaddan ka hor intaan xisbigu talada qabanba balse hadana aanan u arkayn xillligii ugu habboonaa, waxanan ka mid ahaa aas’aasayaashii iyo rukuumaddii waaweynaa ee Xisbiga Kulmiye muddo dheer ku taagnaa anigoo odhan kara waxaan ku bixiyay Kulmiye tacabkii iyo tamartii ugu badnayd ee aan abid awoodo taariikhda, alxamdulilaah ma ay khasaarin taasi ee waa taa la mahadiyay ee aan ka sheekaynayno waxqabadka iyo horumarka iyo is bedelka laga dhaxlay ee shacabka Somaliland mahadiyay markii la doortay Xisbiga Kulmiye.

S: Saleebaan waxaad noo sharaxdaa taariikhdaada oo kooban, waa kuma Saleebaan Maxamed Faarax?

Anigu waxaan ku dhashay gobolka Sool (hadda Saraar), magaaladda Caynabo 1968. Dugsi hoose iyo dhexe waxaan kaga baxay Caynabo. Dugsigii sarena waxaan kaga baxay Baarbe secondry school oo Muqdhisho ku yaalay. Ka dib waxaan galay oo aan wax ku bartay jaamacadii la odhan jiray Somali National University, kuliyaddii Luuqadaha qaybtii Englishka iyo Carabiga.

Badhtamihii 1990kii waxaan soo galay wadanka Finland. Halkan waxaan ka sii waday waxbarashadaydii in kastoo aan bedelay kulliyadii hore ee ahaa luuqadaha. Ugu horeyn Jaamcad la yiraahdo Kymenlaakso University waxaan ka qaatay International Higher Dipoloma oo xagga marketing-ka ah iyo shahaadadda la yiraahdo BBA (Bachelor of Business Administration) sanadihii 1995 iyo 1997. Jaamacadda la yiraahdo London South Bank University waxaan ka qaatay shahaada MSc sanadkii 2009 oo ah International/Banking/Finance and Investment.

Sidoo kale Jaamacad ku taal wadanka Finland oo la yiraahdo Hämeenlinna University iyadana waxaan ka qaatay MBA. Sidoo kale waxaan isla jaamcaddan hadda ka dhigtaa takhasuska macalinimadda qaybteeda Teachers Professional Programme. Mihnadda aan ku shaqeeyaa ilaa 15kii sano ee ugu danbeeyey Cumarow waa macalinimo. Waxaan kale oo ka soo shaqeeyey ha’yado iyo institutions kala duwan oo aanan halkan ku soo koobi karin.

S: Sidee ayaad u aragtaa qaraxa iyo weerarkii ka dhacay xafiiska UNDP ee Muqdisho, xili ay qarramadda midoobay u wada guurtay Soomaaliya oo ay soo faaruqiyeen xafiisyadoodii Nairobi ku sii shaqayn jiray?

Wuxuu ahaa mid laga naxo oo argagax leh – waxay ku habsatay masiibo dad gargaar iyo dad samafal ka shaqaynayay, waa dhibaatooyinka wali ka taagan Soomaaliya ee horyaalla xukuumadda cusub ee ay doorteen inay waxka qabato, kooxaha argagixisada iyo kuwa wax qarxiyaana dee caalamka oo dhanba waad arkaysaa inay ka jiraan oo xataa wadamadii waaweynaa ayaa mararka qaar qaraxyo ka dhacayaan.

S: Xafiiska siyaasadeedka UNSOM ee xukuumaddu diiday sidee ayaad u aragtaa?

Waxaan u arkaa in laga qaaday tallaabadii ku habboonayd waayo waxay u imanayeen Somaliland iyagoo aan ula dhaqmayn wadan ama aan u tixgelinayn qaranimadeena. markaa waa sax iyo xaq waxa loogu jawaabay sidii ku habboonayd.

S:. Xukuumaddu siyaasadda dibadda isbedel ayay ka samaysay, maxaad ku talin lahayd inay la tagto shirarka dambe ee ay Somaliland la yeelanayso Soomaaliya?

Sidaan u arko ama aragtidaydu tahay horumar weyn oo la taaban karo oo muuqda ayay Somaliland ku tallaabsatay xagga siyaasadda dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ahba iyo macaamilka dunida mudadii gaabnayd ee ay jirtay xukuumadda uu hoggaaminayo Axmed Siilaanyo.

Mudadan gaaban si weyn ayaa loo dardargeliyay siyaasadda kharaajiga dalka marka laga eego wufuuda faraha badan ee wadanka yimi mudadii xukumadani jirtay. Sidoo kale waxaa jirtay in wufuud badan oo Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddu hoggaaminayaan ayaa lagu galaabixiyay wadamo badan oo muhiima oo xagga carabta leh iyo dunida kaleba sida Kuwait, Qadar, Imaaraatka, Turkeyga, Kenya, Djibouti, Ethiopia, Ingiriiska, Maraykanka iyo wadamo kaleba oo gobolka iyo caalamka ah taasoo aan qadiyadda Somaliland oo kaliya la gaadhsiin balse sidoo kale lagu kasbaday xidhiidh saaxiibtinimo, iskaashi xooggan iyo waliba maalgashi iyo dhaqaale oo mashaariic badan oo horumarineed oo dalka ka socotaa aan odhan karo waxay ku yimaadeen siyaasadda arrimaha dibadda oo la xoojiyay.

Xukuumaddu waxay gashay heshiisyo taariikhi ah oo xagga ammaanka ah, waxqabadka iyo iskaashiga guudba dan u ah tusaale haddaan xusno heshiisyada ay xukuumadda wada galeen dawladda Ingiriiska ee xagga ammaanka iyo dhinacyada kaleba khuseeya iyo dawladda Itoobiya oo iyana dhinacyo badan la iska kaashanayo. Geedi socodka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo aan la soconno in shirar badan oo la isugu yimi dalalka Imaaratka, Ingiriiska iyo Turkeyga-ba oo ay ka soo baxeen shirkii u dambeeyay ee Ankara qodobo muhiim ah oo aas’aas u noqonaya sii socodka wada hadallada labada dhinac taasoo runtii iyaduna waxqabad hor leh oo xukuumadda mudada gaaban dalka hoggaaminaysay ee Axmed Siilaanyo uu keenay.