Wada-Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo La Filaayo In Ay Todobaadka Danbe Ka Bilaabmaan Magaalada Ankara

(SM-Hargaysa) – Wada Hadaladii U Socday dawladaha Somaliya iyo Somaliland ayaa la filayaa in Todobaadka soo socda ay ka dhacaan Magalada Ankara ee Dallas Turkiga.

Madaxa Xafiiska Siyaasada ee qaramada midoobay Nicholas Kay.ayaa barta uu ku leeyahay Twitterka waxaa uu  ku baahiyey qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo Kulan uu la yeeshay Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya waxaanu sheegay in uu la yeeshay wada hadal sare“wada hadalada somaliland iyo somaliya wax ay todobaadka danbe ka bilaabi-mi doonaan Ankara”. Sidaasi ayuu yidhi

Dawladaha Somaliland iyo Somliya ilaa hada midkood-na kama hadlin wada-hadaladani Todobaadka danbe bilaabmi doona waxaana hadii ay wada-hadaladani furmaan ay ku soo beegmayaan iyadoo wixii ka danbeeyey Heshiiskii Ankara ay sii kala fogaadeen Xidhiidhka Labada dhinac.

Yeel-keedee Dhinaca Kale wada-Hadaladani ayaa ku soo beegmaaya xili uu Madaxweyne Siilaanyo Shaqadii  ka badalay  Wasiirkii Hore Ee  Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdi Laahi Cumar oo dadku ku sifeeyey Shaqsi aan daacad u ahayn Shaqada uu Qaranka u hayo.

Salaanmedia/Hargaysa