Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo Magacaawday Soomaaliya Nicolas Key ayaa Maanta barqadii waxa uu ka soo

Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo Magacaawday Soomaaliya Nicolas Key ayaa Maanta barqadii waxa uu ka soo

 image
Moqadisho (SM) 03.06.2013 Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo Magacaawday Soomaaliya Nicolas Key ayaa Maanta barqadii waxa uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyadoona Gudaha Garoonka ay ku soo dhaweeyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madax kale oo ka socota Ururka Midowga Afrika.
Mr Key ayaa isaga iyo Wafdigiisa waxaa Loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya isagoona kulan waqti Kooban socday kula qaatay Ra’isal Wasaaraha Xafiiskiisa Muqdisho iyadoona labada Masuul ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo quseeyay Xaaladaha Soomaaliya.
Kulanka kadib waxaa Saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ay u soo Magacaawday Soomaaliya Nicolas Key.
Ra’isal Wasaare Saacid ayaa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan Wakiilka Cusub isagoo u Rajeeyay in si wanaagsan uu shaqadiisa u guto isagoo tilmaamay in Xukuumadda ay la shaqeyn doonto.
Nicolas Key oo isna La hadlay Saxaafadda ayaa tibaaxay in uu aad ugu Faraxsanyahay in uu Maanta Muqdisho soo gaaro isagoo carabka ku adkeeyay in qaramada Midoobay ay xafiisyadeeda ka furaneyso Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka dalka Soomaaliya isagoo xusay in si wanaagsan ay ula shaqeyn doonaan dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed .
Dhawaan ayey ahayd Markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday Nicolas key in uu Noqon doono Wakiilka Jamciyadda Quruumaha ka dhexeyso u qaabilsan Soomaaliya iyadoona xilkaasi uu horay ugu qaabilsanaa Augustine Mahiga oo dhawaan la bedelay.
Salaanmedia/Mogdisho