Waligaa ma Aragtay Ciidamada Dowlada Somalia oo loo tababarayo qaabka Rabshadaha looga hortago(Daawo Sawirada)

Dowladda Somalia ayaa waxaa loo tababaraaya Ciiddamada ka hortaga Rabshadaha iyo Banaanbaxyada,waxaana Ciiddamadan ay yihiin ciidamo loo carbiyay qaabka looga hortago rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya.

Tababarka ayaa waxaa bixinaaya Saraakiil ka tirsan AU kuwaasoo si rasmi ah u qalabeeyay Ciiddamadda isla markaana ka dhisaY dhan waliba waxa ayna Tijaabo ahaan u siiyeen Tiro dad ah oo Jilaayay Banaanbax oo lagu baroobeeyay Ciiddamadda, Hayeeshee waa ay ku guuleysteen.

Ciiddamadda ayaa waxaa loo dhisay qaab aan horay loo arag waxaana la filaaya inay dhawaan bilaabi doonaan Hawlgalkooda, iyadoona qaar la geyn doono Gobaladda dalka.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia