War Deg Deg Ah: Ciidamadda Booliska Dalka Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadhi Xamuula Oo Ay Ka Buuxaan Aaladaha Qaraxyada Loo Adeegsado.

(SM-Nairobi) Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay gaadhi xamuul ah oo ay saarnaayeen 27-tan oo ah kiimiada walxaha qarxa laga sameeyo, kaasoo la sheegayo inuu ku wajahnaa  dhinaca dalkaasi  Soomaaliya, in kasta oo aanay ciimadda Boolisku kala cadayn goobta uu sida gaarka ah ugu sii jeeday.

Baabuurkan ayaa lagu qabtay meel ku dhaw degmada Wajeer ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Afhayeenka Booliska Kenya Mwinyi Masudi ayaa sheegay in laamaha ammaanka Wajeer ay qabteen gaadhigan xamuulka oo ay saarnaayeen culeys lagu qiyaasay 27 tan oo ah kiimikada laga sameeyo walxaha qaraxa.

Afhayeenka ayaa sheegay inay wadaan baadhitaano la xidhiidha walxaha qarxa ee saaran gaadhiga, isagoo shaki ka muujiyay in baaburkaasi  ahaa mid Al-Shabaab u waday saanad waxyaabaha ay qaraxyada u adeegsadaan.

Ciidamadda Booliska iyo laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa heegankii ugu sareeyay la geliyay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo baxeen wararka shegaaya baaburkan walxaha qarxa sida ee la qabtay.

Hadalka afhayeenka Booliiska ayaa ku soo beegmaaya xilli uu dalka Kenya cabsi xoogan ka qabto in dalkiisa  ay weeraro ka fuliyaan kooxaha xarakada Al-Shabaab.