War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada, Wajiyo Cusub Oo Soo Biiray Iyo Qaar La Eryay

newsflash1

 

Jan 24, 2013 Hargeysa(SM)  – Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

WUXUU GO’AANSADAY: 

 

 

  Title-ka Magaca
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha   Dibedda Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri X. Ismaaciil Baandare
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga   iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed)
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo   Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka   Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame
Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda   Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees
Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo   Horumarinta Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule)
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda   Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda   Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda   Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda   Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda   Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan   Cabdiqaadir
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda   Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda   Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir
La-taliyaha Madaxweynaha ee   Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha   Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)
La-taliyaha Madaxweynaha ee   Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

 

WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-

 

S/No. Title-ka Magaca
Wasiirkii hore ee Wasaarada   Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka ) Saleebaan Ciise Axmed   (Xagla-toosiye)
Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa   loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda   waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga) Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar
Wasiir ku xigeenkii hore ee   W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo   Wacyigelinta) Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa   loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha) Abiib Diiriye Nuur (Timacade)
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda   Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan   (Geeljire)
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda   Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha   Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)
Wasiirka Hore ee Wasaaradda   Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA

NASIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-

 

  Title-ka Magaca
Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha   Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur)
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda   Warshadaha Cabdirisaaq Cali Cismaan
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda   Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda   Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee   Wasaaradda Ganacsiga Aaden Diiriye Cigaal
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee   Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil

 

 

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.