War Deg Deg Ah Qaraxyo Xoogan wali ka dhacaya Xarunta UNDP Mogdisho iyo Ciidanka Gaashaan oo hada galaya xaruntaasi

news-image1

Waxaa Wali Qaraxyo iyo Rasaas Xoogan kasocotaa gudaha Xarunta Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP oo kuyaala agagaarka Garoonka Diyaardaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho halkaas oo daqiiqado kahor Rag katirsan Al-Shabaab ay ku galeen Weeraro ismiidaamin ah kadibna gudaha u galeen Xaruntaasi.

Qaraxyada ayaa ah mid daqiiqad daqiiqado u dhacaya waxaa sidoo kale xarunta ka socota Rasaas u dhaxeysa Dagaalyanada katirsan Shabaab ee gudaha u galay Xaruntaasi iyo qaar kamid ah ilaalada Xarunta UNDP waxaana hada Gudaha u galaya Xarunta UNDP ciidanka gaarka ah ee Dowlada Soomaaliya ee loo yaqaan Gaashaan sida uu soo sheegayo

Ciidamada Gaashaan oo ah ciidamo gaar ah oo tababar leh aadna u hubeysan aya ahada gudaha u galaya Xarunaatsi iyagoo gacan ka helaya ciidamo katirsan kuwa AMISOM si ay usoo afjaraan raga Shabaab katirsan ee wali ka dagaalamaya gudaha Xaruntaasi.

Cabsi badan ayaa jirta oo ah in qaraxyo kale ee xarunta ka dhacaan maadaama loo badinayo Raga Shabaab katirsan ee gudaha ku jira ee ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa iyadoona dhoor qarax oo mid kamid ah Raga ilbaabka Xarunta kusoo furteen ee dhaceen

Xaalada ayaa ah hada mid cakiran rasaas ayaana ka dhax socota Gudaha Xarunta UNDP waxaana wali la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadan iyo Weerarada Tooska ah ee wali socda Xarunta UNDP , waxaana suurto gal ah in gudaha xaruntaasi ay ku jiraan xiliga Weerarkan bilaabanayay dad ajaaniib ah oo ka shaqeenayay gudaha xaruntaasi iyo sidoo kale shaqaalo kale oo Soomaaliyeed.

Dagaalka kasocda gudaha Xarunta UNDP ayaa soconaya mudo gaaraya ilaa hal saac waxaana wali gudaha Xarunta ka dhacaya Qaraxyo waa weyn oo loo maleenmayo in ay yihiin kuwa ku xiran Raga gudaha ugu jira Xaruntaasi ee Shabaab katirsan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Deg deg uga Daalacao Shabakada Allbanaadir.com Insha Allah.

Salaanmedia/Mogdisho