War-murtiyeed ka soo baxey shirweynihii ay Beesha Ciise Muse ee Qurbo-Joogta ahi ay Ku Qabsadeen London 22-23 June 2013 .

 

Waxaa ka dhacey  Caasimada Ingiriiska ee London, Shir-laba maal-moodle ah oo mug-leh  oo ay ka soo qeyb-galeen bah-weynta qurbe-joogta Ciise Muse ee ku-dhaqan daafaha dunida. gaar-ahaan  North-America iyo Yurub. Shirka waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka ah. Shirku wuxuu ku saleysnaa doorka ay horena uga qaateen hadana uga qaadan-karaan qurbe-joogta beeshu horumarinta degaanada ay degaan gaar-ahaan arimaha bulshada.Waxaa shirkaa war-bixino togan oo mug-leh ka wada bixiyey Ergooyinkii ka-kala socdey, USA, Canada, Finland, Sweden, Norwey, Germany, Holland, France,  Denmark, iyo UK magaalooyinkeeda  kala duwan.   Waxaa iyana goobta shirkaa ka hadley garabyada haweenka ee dalalkaa kala duwan Ka-kala  socdey.
kulan 3
                                 Shirkaa waxaa si qoto dheer loo qaa-daa-dhigay oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan:
1- Sidii dar-dar xoogan loo gelin lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada ee degaanka balaadhan ee ay beeshu degto,gaar-ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka.
2- Waxa wax-garadka iyo aqoonyhanka beeshu ay qaa-daa-dhigeen iyada oo taxadar iyo mudnaanba la siinaayo  Nabadgelyada ay Somaliland maanta  ku-fadhido in fiiro gaar ah loo yeesho dhulka kheyraadka dabiiciga ah Alleh dhigay ee dhaca degaanka beesha ee sifayaasha sharciga aan waa-faqsaneyn loo xidhanaayo iyadoo la-la kaa-shanaayo sawiradii Sateliteku ka qaadey dhulkaas  labadii sanadood ee la soo dhaafey.
3- In la dhameys-tiro labada iskuul ee boodhinka ah ee baaxada leh ee hada dhismahoodu uu ka socdo labada goo-bood ee kala ah  Dooxa-Guban iyo tuulada Dubur.
4- In meel looga soo wada-jeesto horumarinta arimaha bulshada ee degaanka ay beeshu degto.
5- In dawlada lagala xaa-joodo sidii dhulkii Digreetada danta guud ku soo baxdey 16/6/13,  gaar-ahaan 2500-ee Jago ee isugu jira dhul dhisan,oo la degan-yahay ama meherado ah,dhul qabyo ah iyo dhul banaan kuwaas oo wada lahaa sifeyaal sharci ah oo dhameys-tiran oo la cashuurey oo ay kala bixiyeen mulkiyadahooda dawladihii u-kala danbeeyey qaranka S/land,sidii ay shacabkii lahaa dhulkaas ay xor-ugu noqon lahaayeen ee ay kuwa dhismahoodii oo socda la-xayireyna  ay u-dhameys-tiran lahaayeen dhismahooda.
6- In Beeshu hesho xaqa saamiga kaga maqan golaha xukuumada iyo ciidamada kala duwan ee qaranka.
7- In midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar-kasta iyo goob-kasta biyo kama dhib-caan Lama-taab-taan muqadas ah
kulan 2
Guntii iyo geba-gebadii waxaa shirka lagu soo gunaanadey duco iyo quraanka kariimka ah, Waxaana uu shirku ku dhamaadey Jawi- aad u-farxad badan iyo heshiis wadareed af garad ah oo la isku wada waafaqey.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Somaliland Guul Waarta !!
Gudida Sare ee Kulan Golobal
kulan 3 kulan 1