War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Hargaysa(SM)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu dhaqan-geliyey xeer madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1794/062013 Xeerkaasi oo ah (Statistics Law).
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, go’aan Lr. GW/G/KF-21/593/2013
ee ku taariikhaysan 28/05/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka
Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013.
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.