Home Articles Wargeyska The Standard Ee Ka Soo Baxa Kenya Oo Warbixin Xiiso Badan...

Wargeyska The Standard Ee Ka Soo Baxa Kenya Oo Warbixin Xiiso Badan Ka Qoray Somaliland.

Wargeyska The Standard Ee Ka Soo Baxa Kenya Oo Warbixin Xiiso Badan Ka Qoray Somaliland.

Hargeysa(Salaanmedia):- Xukuumadda Somaliland ayaa ku mashquulsan la yeelashada xidhidh dhaqaale iyo ganacsi jaararkooda iyo waddammada ay saaxiibka yihiin, si loo xoojiyo raacadadooda aqoonsi caalami ah. Iyagoo weli ka dhursugaya codsi ay Midowga Afrika kaga dalbanayeen u aqoonsi dal madax-bannaan, ayey Somaliland socdaal ugu jirtaa sidii ay u soo jiidan lahayd maalgashi uu helo dalkan Geeska Afrika ku yaal. Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin uu Somaliland ka qoray Wargeyska The Standard oo ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qorshahaa ayuu sheegay wasiirka Arrimaha dibedda, Dr, Maxamed Cabdillahi Cumar inay muuqato sida dalkiisu isugu bedelayo hoyga dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka. Wargeysku wuxu intaa ku sii daray Waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi oo caddeeyey in dalka Kenya casharro badan ka qaadan karaan sida ay u abuureen jawi soo jiidanaya maalgashi dibedeed.

Wakhtigan, Somaliland oo ku nool yihiin dad gaadhaya 3.5 milyan ayey xafiisyo ku leeyahiin waddammada Ingiriiska, Maraykanka, Sweden, Kenya, Itoobiya, France, Belgium, Jabuuti, Canada iyo Koonfurta Sudan.

Dhammaan waddammadaas. Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inay Itoobiya leeyahiin qunsuliyad buuxda oo bixisa fiiseyaal, isla markaana labada wadan kala  saxeexdeen heshiisyo ganacsi.

Waddammada Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya ayaa sidoo kale la saxeexday heshiis Millateri ay waddaagaan arrimaha Sirdoonka, tallaabo kaalin ka qaadatay xasilinta dalkaa, marka loo eego waxa ka taagan jaarkooda Soomaaliya. Wasiir Cumar ayaa sheegay in Kenya ka mid tahay wadamada ay damacsan yihiin ay la yeeshaan heshiisyo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga.

“Waxa jira in badan oo shacabka Kenya kuna nool iyo kuwo la shaqeeya Somaliland hay’adaha caalamiga ah. Sidoo kale, muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah ayaa ku nool oo ka shaqeysta Kenya, taasina waa saaxiibtinimada aan doonayno inaan sii xoojiyo.” Ayuu sheegay Wasiirku.

Dr, Cumar ayaa raaciyey, “Qeyb ahaan, waxan halka u imi barashada habka horumarka dhaqaalaha,” keydadka Somaliland ee shidaalka, gaasta, dhuxusha, iyo macdanada kale aya asoo jiidanaya maalgashedayaal caalami ah, waxaanan heshiis la saxeexanay shirkad Kenya ah oo sahamin ku samayn doonta macdanada dalka.

Somaliland iyo Kenya waxay wadaagaan taariikh, marka la eego maxmiyadoodii Ingiriiska, xilligii la odhan jiran British Somaliland. Waxii ka dambeeyey xornimada, dalka waxa si nabadgelyo ah uga dhacay shan doorasho dimoqraadi ah. Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa cadeeyey in Somaliland abuurtay jawi maalgashi soo jiida, balse, taageero caalami iyo maalgashi dibedeed loo baahan yahay.

Kaabayaasha muhiim ka een u baahan nahay waxa ka mid ah dhismeyaasha iskuulo farsamo. Cusbitaalo, garoomo ciyaaro, biyo-xidheeno, maxkamadaha wareega, saldhigyo, xarumo cilmi-baadhis iyo wadooyin.

Dr, Maxamed ayaa ku dooday in Somaliland taagan tahay waddadii horumarka, maalgashedayaasha iyo qaadhaan-bixiyeyaashana looga baahan yahay aqbalaadda xaqiiqadaa.

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.