Warsaxaafadeed Xisbiga WADDANI…SIYAASADII ARRIMAHA.. DIBADDA EE XUKUUMADDA KULMIYE MA WAXAY ISKU….

SIYAASADII ARRIMAHA DIBADDA EE XUKUUMADDA KULMIYE MA WAXAY ISKU BEDDASHAY MAALGASHI LAGU DHAAWACO QARANIMADII SOMALILAND

 
 
Waddani
Xisbiga WADDANI wuxu hore uga hadlay in talada iyo itijaaha siyaasadda Arrimaha Dibaddu aanu ka maarmayn talo Qaran, la hufay, lana lafaguray oo aanay ku koobnaan karayn Xukuumadda talada dalka haysa, ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmad (Siilaanyo).
 
Waxay Somalidu ku mahmaahdaa “RUQE NINKII LAHAA DABADA HAYAA MA KACO”. 
 
Iyadoo aynu hore u diidnay shirkii London ee uu gudoomiynayey Ra’isal wasaaraha ingiriiska D.Cameron, markii ay ummadda Somaliland ka dhex wayday danaheeda, waxaa la yaab noqotay in uu wasirka arrimaaha dibada Somaliland ka qaybgalay shir uu gudoominayo safiirka Somaliya u fadhiya Kenya, oo loo qabtay maamul goboleedyada Somalia, aadna uga meeqaam hooseeyay shirarkii ka horeyay ee ka qarada waynaa shirkan.
 
Waxa ayaan darro ah, inuu Wasiirkii loo igmaday inuu ka midho dhaliyo majaraha siyaasadda Arrimaha Dibaddu ku andacoodo inuu ka qayb galay shir ay soo abaabushay Hay’ad fadhigeedu yahay UAE, oo uu dabo fadhiisto wufuudii gobolada iyo calankii Somalia, isagoo u muuqday gobol ka mid ah Somalia.
 
Waxa kaloo Xukuumadda Kulmiye looga fadhiyaa, goorta uu Wasiirka Arrimaha Dibaddu la wareegay portofolio-hii Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Duulista Hawada ee uu warbaahinta ugu sheegay inuu Nairobi u tagay sidii Somaliland uu maalgashi ugu soo jiidi lahaa, iyo inuu kala soo xaajoodo Xafiisyada Qaramada Midowbay arintii duulimaadyada hawada Somaliland, iyadoo aanay kala socon cid ka tirsan labadaa Wasaaradood midnaba.
 
Xisbiga WADDANI wuxu mar labaad uga digayaa Xukuumadda, inaanay ku talaabsan kaligeed arrin lagu dhaawacayo Qaranimada Somaliland. Waxa waajib ah oo Xukuumadda Kulmiye looga baahan yahay inay ka talo geliso Goleyaasha Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo cidii kalee ay uga maarmi weydo bulshada reer Somaliland arrimaha khuseeya Qaranka “National Issues”.
 
Wasirka arrimaha debada Somaliland haduu wax kale arki waayay ma wuxu arki waayay calanka Somalia ee shirka sudhan isaga oo aan sidan calanki qaranka Somaliland.
 
Xisbiga WADDANI wuxu cambaaraynayaa, kana soo horjeedaa, wax kastoo dhaawacaya Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ummada Somaliland ugu baaqayaa, in ay jiraan ajindiyaal u qarsoon xukuumadda, oo aan shacbiga Somaliland loo sheegin.
 
 
 
WA BILAAHI TAWFIIQ
 
 
Guddida Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga
Ee Xisbiga WADDANI