Wasiir Cukuse Oo Tacsi u Diray Xildhibaan Sisto Oo Aabihii Ku Geeriyooday Hargeysa

tacsi21

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, wacyi-gelinta iyo dhaqanka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu tacsi u Dirayaa Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane (SISTO) oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid Aabbihii MARXUUM AADAN HABANE. Oo ku geeriyooday Hargeysa 28/06/2013.

Sidoo kale wasiirku waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUMKU, isagoo wasiirku ILLAAHAY uga baryay MARXUUM-Ka inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

TOP